Garoowe (Foore) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay xabisga dhigeen labo taliye oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee maamulkaasi, kadib markii loo soo jeediyey eedeyn culus.
Wararka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamadu ay xidheen taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Nugaal, Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo taliyaha saldhiga badhtamaha caasimadda Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).
Sababta loo xidhay labadaasi taliyey ayaa lagu sheegay inay la xidhiidho gadood ay dhowaan sameeyeen ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Nugaal oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha xabsiga la dhigay, kuwaas oo tababar loogu qaaday magaalada Qardho.
Gadoodka oo ahaa mid kooban ayaa markii dambe la xaliyey, balse waxaa labada sarkaal ee la xidhay loo heystaa inay iyagu wax ka abaabuleen gadoodkaasi.
Si kastaba ha’ahaatee inta badan ciidamada Puntland ayaa magaalooyinka maamulkaasi ka sameeya gadood ay kaga cabanayaan mushaar la’aan, waxaana ugu dambeeyey midkii ay maalmo ka hor sameeyeen ciidanka daraawiishta ee ku sugan waqooyiga Gaalkacyo.