Muqdisho, July 9, 2020- (Foore)- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa shalay markale ka hadlay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, xilli ay gebi ahaanba baaqdeen kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadalladaasi oo ka furmayey dalka Jabuuti ee ay yeelan lahaayeen Guddi hoosaadyadu, isaga oo sheegay xisbiga WADDANI in wada hadalladaasi u muuqdaan kuwo aan rajo badan lahayn marka laga hadlayo sii socoshadooda.
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu shaki galiyay inay sii soconayaan wada-hadallada labada dhinac, maadama ay Soomaaliya si cad u jabisay heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu kala saxiixday kulankii Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil, Maxamed Jirde oo arrintaasi ka hadlayey ayaa sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay laftigeedu qarineyso wax badan, isagoona su’aal galiyay madax-banaanida hawada Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa xusay in talaabadii ay dhawaan qaaday dowladdu federaalku ee ay dib hawada uga celisay diyaarad kasoo duushay Kenya oo ku socotay madaarka Hargeysa, ay cadeyn u tahay ka bixida heshiiskii lagu kala saxiixday Jabuuti.
Diyaaradaasi ayaa siday qaad/jaad faro badan oo nooca loo yaqaano Miirooga, isla markaana u rarneyd ganacsato reer Somaliland, iyada oo dhawaanihii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid qaadkii Somaliland looga keeni jiray Itoobiya.
Maxamed Jirde ayaa xukuumada Biixi ka dalbaday inay si cad ugu warbixiyaan wada-hadallada labada dhinac, xili aysan si dhab ah u fulin heshiiskii hordhaca ahaa ee kasoo baxay wada-hadalladaasi.
Xogaha ay warbaahintu jelayso ayaa tibaaxaya in gebi ahaanba ay baaqdeen kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa inuu dib u furmo Sabtidii todobaadkan.
Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda labada dhinac oo ku saabsan kulamada wada-hadallada ee baaqday iyo xiliga dib loogu balamay, maadama uu qorshuhu ahaa inuu dalka Jabuuti ka furmo 4-tii bishan.