Hargeysa July 9, 2020- (Foore)- Iyadoo ay Xukuumadda Somaliland bilowga bishii April ee sanadkan 2020-ka ay shirkaddaha Fly Dubia iyo Air Arabia war-qado qoraal ah oo ay u kale dirtay ay ku amartay in aanay ka soo degi karin garoomada diyaaradaha Somaliland,ayaa waxa jira dedaallo kale duwan oo ay sameeyeen wakiilada labada shirkaddood u joogay Somaliland, kuwaas oo ay ku doonayaa inay Xukuumadda Biixi ay ka laabato go’aankaas.
Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa labadaa shirkaddood amarrada ay kaga mamnuucayso inay ka soo degaan garoomada diyaaradaha Somaliland u dirtay,kadib markii ay shirkaddaha Fly Dubai Iyo Air Arabia ay u hoggaansameen amaro uga yimi dhanka Dowlada Somaaliya oo ahaa inay joojiyaan safarada ay ku tagaan dalka Somaliland
Labadaa Shirkaddood ee Fly Dubai iyo Air Arabia, ayaa xoggo soo baxayaa ay sheegeen in aanu jirin wax heshiis ah oo ay Somaliland kula jireen-ba,t aas oo keentay in markii ay ogaatay Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay si weyn uga cadhooto,waxaana xusid mudan in labadan shirkaddood ay dalka yimadeen cahdigii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.
Dhanka kale Wakiiladda shirkaddaha diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Air Arabia u jooga Somaliland ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey wakhtigaas waxay wadaan dedaallo is garabsanaya oo ay ku doonayaan inay Xukuumadda Somaliland ay ku qanciyaan sidii ay uga laaban lahayd go’aankaas ay labadaa shirkaddood kaga mamnuucday inay soo cago dhigtaan garoomada diyaaradaha Somaliland, haseyeeshaa Xukuumadda Somaliland ayaa la weriyey inay ka gaws adaygtay dalabkooda.
Geesta kale qaar kamid ah Odayasha Beesha ay ka soo jeedaan wakiiladda labada shirkaddood oo ah odayaasha beesha Bariga Burco kuwoodii doorka weyn kasoo qaatay doorashaddii Madaxweyne Biixi ku guulaystay sanadkii 2017-kii ayaa iyana la sheegay inay Xukuumadda kala haddleen sidii ay uga laaban lahayd go’aankaasi ay kaga joojisay diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia safaradii ay Somaliland ku iman jiraan dalka, balse Xukuumadda ayaa si cad ugu sheegtay in aanay suurtagal ahayn inay si dhib yar uga laabato go’aankaas
Siddoo kalena Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isna la weriyey inuu Madaxweyne Muuse Biixi uu kala haddlay sidii ay Xukuumaddiisu uga noqon lahayd go’aanka ay labada shirkaddood kaga mamnuucday inay garoomada diyaaradaha Somaliland ay ka soo degaan kana duulaan,balse Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ugu jawaabay in aan go’aankaa laga noqon karrin hadda, waxaanu u sheegay in aanu jirin wax heshiis ah oo ay labadaa shirkaddood la galeen Xukuumadda Somaliland ama ay kula jireenba si lamid ah heshiisyadda shirkaddaha kale ee diyaaraddaha.