Dhibaatooyinka Caafimaad Darro Ee Tamaandho Qasaacda (Xogo Caafimaad Oo Layaab Leh)

0
1420

Ka Fogow Tamaandhada Qasacadaysan (Tamaandho Gurgurta)

Waa qoraal aan kaga hadlayno halista laga dhaxli karo tamaandhada lagu soo kaydiyo qasacyda birta, caaga iyo bacaha ka samaysan taasoo loo yaqaano “Canned Tomatoes”, Soomaalidu qaar waxay u taqaanaa “Tamaandho Gurgur” reer Koonfureedkuna u yaqaannaan (Yaanyo Shiidshiid).

Inkastoo aan ognahay in Tamaandhadu ay faa’idooyin badan jidhka u leedahay laakiin qaabka loogu xifdiyo qasacadaha ayaa ka dhigi kara mid halis ku ah caafimaadka bini’aadamka. Maadaama tamaandhadu ay aad ugu badan tahay fitamiin C-ga oo ka dhigaya mid aysiidh leh, waxaa qasacadda inta aan lagu kaydin tamaandhada ka hor lagu dahaadhaa ama la mariyaa daawo loo yaqaano “Bisphenol-A” tan oo loo soo gaabiyo “BPA”, daawadan waxay ka hortagaysaa in aysiidhu tamaandho gurgurtu aanay cunnin birta, caaga ama bacda ama aanay  ku dhex daxalaysan. Markii hore waxaa la aaminsanaa in daawadani aanay la falgalin cunnooyinka ku keydsan qasacadaha, laakiin tamaandho gurgurtu maadaama ay aysiidh tahay waxay si sahlan ula falgashaa maadadan kiimikada ah iyadoo ku dhex milanta.

Maxay Dhibaato Keentaa Maadada BPA?

Cilmibaadhis lagu sameeyay maadadaan waxaa la ogaaday haddii jidhka ay ku badato in ay khalkhal galiso habka jidhka u shaqeeyo khaasatan dhinaca hormoonada, raggu waxay isku arki karaan hammo yari, waxayna hoos u dhigtaa tayada shahwada dhinaca bacriminta, haweenkuna waxay isku arki karaan caado wareer iyo xanuunka loo yaqaano “Thyroid-ka”, Waxaa kaloo la arkay in hooyada maadadan jidhkeedu ku bato haddii ay uur qaaddo inay ilmaha soo ridi karto, haddii la siiyana ilmaha ka yar 5 sano in korriimada maskaxdooda ay hoos u dhimi karto.

Arrintan awgeed waxay hay’adda cudurrada kontaroosha ee Maraykanka ee loo yaqaano Center for diseases control “CDC” ay cilmibaaridh ku sameeyay kaadida 2517 qof oo muddo isticmaalayay Tamaandho-Gurgurta, waxaana la arkay in boqolkiiba 93% ay jidhkooda si xad dhaaf ah uga buuxday maadadaan, arrintan waxay dhalisay cabsi badan oo shirkadihii badankooda welwel ku abuurtay. Shirkadihii waxay qaateen laba go’aan mid khaasatan kuwii ka shaqaynayay maraykanka iyo yurub, qaar waxay baddaleen maadadii kiimikada oo meeshii ay ka ahayd BPA, waxay ka dhigeen BPS, waxayna ku soo daabacadeen qasacadihii “BPA-free” taasoo ay ugala jeedaan in maadada BPA laga saaray, laakiin isla maadadii oo waxyar ka badalan ayaa lagu soo daray welina waxaa la aamisan yahay inay leedahay isla halistii, waxaana ku socda baadhitaano dheeraad ah. Kuwa kalana waxay ka guureen qasacadihii oo waxay ku badaleen quraarado, tan oo aan u baahnayn in la mariyo daawada kiimikada ee BPA, inkastoo ay kharash dheeraad ah ku noqotay laakiin waxay ku qasbanaadeen in tamaandho gurgurta la geeyo waddamada arrintaan uga digay bulshadooda in quraarado loogu shubo.

Talo Caafimaad:

Maadaama Tamaandho Gurgurta waddankeena laga isticmaalaa ay u badan tahay kuwa qasacadaha birta, caaga iyo bacaha ku jira, waxaan uga digaynaa bulshada inay ka fogaadaan, waana in lagu badalaa tamaandho dabiici ah oo aan daawo lagu soo darin, haddii aanad heli karin ama awood u lahayn tamaandho dabiici ah fadlan raadso tamaandho ku keydsan quraarad, Ogow caafimaadkaaga qof aan adiga ahayn oo ka fakarayaa ma jiro

Qalinka: Dr. Cabdilaahi M. Mahdi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here