Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Hanjabaaddii Ugu Cuslayd U Diray Kooxaha Ku Kacsan Xukuumaddiisa

0
312

Ra’iisaal wasaaraha Itoobiya Dr Axmed ayaa sheegay rabshadihi maalmihi ugu dambeeyey ka socda dalka Itoobiya ee ay soo maleegeen waxa uu ku sheegay cadowga dalka Itoobiya iney laamaha ammaanka Federaalka iyo Deegaanka oromada aysoo afjareen.

Ra’isal wasaaraha oo shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka itoobiya uu ku sugan yahay qabtay ayaa sheegay dowladdu iney qabatay gacan ku dhiiglayaashi dilay fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundeesaa, balse ay harsan yihiin kooxihii dilkaasi soo maleegay dowladduna ay ka qaadi doonto tallaabbo adag.

“Shaqsiyaadki dilka iney geteen looga shakiyey waa la hayaa waxaana dilkaasi lugu ku leh shaqsiyaad qaab dhismeedka dowliga ku jira” ayuu yiri.

“Aragtiyada naceybka xambaarsan ee ku saleysan qowmiyad ama siyaasad dalka Itoobiya wixi hadda ka dambeeya boos ugama bannaana, xoogagga doonayey iney dalka Itoobiya dhiig ku daadiyaanna waxaan u sheegayaa iney riyadoodaasi marnaba rumoobeynin” ayuu yiri.

Dr Abiy Axmed oo telefishiinka qaranka ee dalka Itoobiya ka soo muuqday isaga oo ku labbisan labbiska ciidamada ilaalada qaranka ayaa mahad ballaadhan u soo jeediyey:

  • Laammaha ammaanka ee Federaalka iyo Kuwa deegaanka Oromada sida degdegga ah ee ay rabshadahaasi inta ay baahin ay u so afjareen qasarahana ay u yareeyeen.
  • Hoggaanka diimaha iyo kuwa dhaqanka oo iyagana xasilinta dalka kaalin mug leh ka qaatay iyo
  • Hay’adaha sharciga oo iyaguna har iyo habeen ku howlanaa shaqsiyaadkii sharciga ku xadgudbay ee dhacdadaasi ku lugta lahaa in sharciga la horkeeno.

“Xoogagga magac qabiil ama siyaasad ku soo gabbanaya ee aan aan dagaal waxa uu yahay oo doonaya iney dagaal magaalo waxa uu yahay ay na baraan waxaan ku qasbanahay inaan tusno dagaal magaalo waxa uu yahay iyo sida guusha looga gaaro, xoogagga doonaya iney facebooka ka riyoodaanna waxaan u sheegeynaa iney marnaba riyadoodaasi u rumoobeyn.”

“Wixi hadda ka dambeeya waa in la ogaadaa dalka Itoobiya argatiyada kala duwan ee siyaasadeed in lagu meel marin kara oo keli si nabadgalyo iyo dimuqraadiyad ah”.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

“Dambiilayaashana si degdeg ah ayaan sharciga u horkeeneynaa si mudankooda loo mariyo” ayuu yiri Dr Abiy.

“Sida dowladihi hore dadka aan xirno ama aan soo qabanno ciddiyaha kama siibeyno, guri mugdi ahna kuma xireyno, si aan wax u sheegsiinnana ma garaaceyno, si sharci ah oo sharciga waafaqsan oo keli ah ayaan kula xisaabtameynaa mudankoodana ku marineynaa” ayuu yidhi

“Seddex June oo isku xigta (208-2019) ayaa la damcay in dalka Itoobiya dhiig lagu daadiyo, tii koobaad waxa la isku dayay in la I dilo, tii labaadna waxaa la dilay saraakiil iyo madax dalka ka mid ah, tan seddexaad ee sanadkanna waa tan fannanka lagu dilay ee ay ka dhasheen rabshadah ay dadka badan ku dhinteen” ayuu yiri Dr Abiy Axmed.

Hadalka uu warbaahinta dalka Itoobiya uu ka jeediyey Dr Abiy Axmed ayaa u muuqday mid ka kulul kuwii horay looga bartay.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Afhayeenka xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya Billane Siyuum oo shir jaraa’id qabatay waxay sheegtay in adeegga Interneetka toddobaadka soo socda la sii deyn doono maadaamaa ay xaaladda dalka ka soo reyneyso.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya wuxuu sheegay in seddex talefishiin oo gaar loo leeyahay xafiisyada ay addis abab ku lahaayeen la xiray, telefishiinnadaasi oo kala ah: Asrat TV, Dimse-Wayane TV iyo OMN TV.

Duqa magaalada Addis Ababa Injiner Takale Umma wuxuu isna sheegay in wixi hadda ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin dadka caadeysata tallaabba kasta oo xasiloonida iyo nabadda dalka wax u dhimeyso.

Hay’adda u doodad xuquuqda wariyeyaasha ee CPJ waxay dowladda Itoobiya ugu baaqday in adeegga Internetka fasaxdo wariyeyaasha ay xabsiga u taxaabtayna ay sii deyso.

Labadi maalmood ee ugu dambeeyey inkasta oo ay xaaladda dalka Itoobiya degganeyd haddana, ciidamo hubeysan oo aad u tira badan ayaa laga howl geliyey maagaalooyinka waaweyn ee deeganka Oromada.

Magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromadana waxaa lagu soo rogay bandow iyada oo shacabka lagu wargeliyey iney guriyahooda ka soo bixin.

Magaalada Addis Ababana waxay wararku sheegayaan in rabshadihi maalmihi u dambeeyey ka dhacay magaaladaasi laga dareemayo oo ay waddooyinka waaweyn ee magaalada ay hawanayaan socodka dadka iyo gaadiidkana uu ku yar yahay.

Jawhar Maxamed iyo Iskindir Negga

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay iney xirtay 35 xubnood oo rabshadaha waddankasi ka socda lala xiriiriyey oo ay ka mid yihiin Jawhar Maxamed iyo Baqale Garbaa.

Qoyska siyaasiyiinta xiran oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inuu Jawar Maxamed uu diidday cuntada ay dowladda siiso, halka ay dowladduna diidday in Jawar cunto dibadda looga keeno.

Tirada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay rabshadihi dalka Itoobiya ka dhacay waxaa la sheegay iney ku dhinteen dad ka badan 80 qof, waloow ay jirin cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dhimashada ama dhaawaca maadaamaa interneetka iyo isgaarsiinta dalkaasi ay go’an tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here