Warbixin saaka oo sabti ah ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Ingiriisku ayaa lagu sheegay in kooxda Man City ay qorshaynayso sidii ay hal bacaad lagu lisay uga dhigi lahaayeen dhawr isku day oo u qorshaysan in ay suuqa ku soo gasho kooxda dhiggooda ah ee reer Spain waa Barcelona’e.
“Kooxda reer Ingiriis ee Manchester City waxa ay doonaysaa in ay carqaladayso isku dayo ay Barcelona doonayso in ay suuqa ku soo gasho xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoygu” ayaa lagu yidhi ciwaan uu far waaweyn ku dhigay wargeyska The Sun oo London ka soo baxaa.
Wargeyska ayaa waxa uu warbixintiisa ku yidhi “Riyada ay kooxda kubadda cagta waddanka Spain ee Barcelona ku doonayso in ay dib ugu soo ceshato Eric Garcia oo ka tirsan wakhtigan kooxda Man City waxa ay u muuqataa mid dhalanteed noqon karaysa wakhti kasta”.
Maalmihii ugu dambeeyey waxa wada hadallo u socdeen wakiilka gaarka ah ee xiddiga Eric Garcia iyo masuuliyiin ka tirsan kooxda reer Catalan ee Barcelona si uu laacibkaasi ugu soo laabto kooxda Barcelona, kaasi oo la sheegay in dhammaadka heshiiskiisu ku eg yahay xagaaga sannadka 2022 balse waxa arrintaasi mar walba diiddan maamulka sare ee kooxda Manchester City.
Wargeyska The Sun cadadkiisii maanta waxa uu ku sheegay in kooxda Citizens ay u ballan qaaday in ay kor u qaaddo Mushaharkiisa oo wakhtigan dhan 12 Kun oo Ginida Istaraliinta ah toddobaadkii, una gaadhsiin doonto 40 Kun oo Gini taasi oo laacibkan reer Spain ku khasbi karta in uu si niyad samaan ah ugu negaado garoonka Etihad Stadium iskana diido dalab kasta oo uga yimaad Camp Nou.
“Waxa ay kooxda Man City u soo ban dhigi doontaa saacadaha soo socda in Mushaharkiisa 12-ka Kun ee Pound ahaa ay u gaadhsiin doonaan 40 Kun oo Pound wiiggiiba in uu jeebka ka buuxsado taasi oo gabi ahaanba la filayo in ay meesha ka saarto hammi kasta oo uu ka qabay in uu ugu laabto Barcelona” ayuu yidhi wargeyska The Sun.
Dhinaca kale khabiir Jose Montoya oo ka tirsan wargeyska Marca waxa uu sheegay in masuuliyiinta kooxda Manchester City ay doonayaan in ay carqaladeeyaan dhawr isku day oo ay kooxda Barcelona ku doonayso in ay suuqa ku soo gasho marka uu furmo oo qaarkood la xidhiidhaan xiddigo ka tirsan kooxda Man City, taasi oo ay macalin Guardiola iyo maamulka kooxdiisa Sky Blues kaga wada shaqaynayaan sidii aaanay ugu suurto gasheen Barca in ay soo hawaysato qaar ka mid ah xiddigaha Etihad Stadium ku sugan.