Xiddiga Adduunka ugu wanaagsan ee Xulka qaranka Argemtine iyo kooxda kubadda cagta waddanka Spain ee Barcelona Lionel Messi ayaa la soo warinayaa in uu ku jiro saacado cadho iyo walaac badan leh kadib xaalad adag oo ay wajahayso kooxda Barcelona oo uu ku eedeeyey in aanay lahayn mashruuc horumarineed oo ay ku doonayso in ay dib ugu soo laabato hanashada koobka Horyaalka kooxaha Yurub ee Champions League.
Shabakadda Ciyaaraha ee BeIN Sports waxa ay saaka baahisay warar sheegaya in halyeyga kabtanka ah ee kooxda Barcelona, si rasmi ah loo xaqiijiyay in uu xaalad aan daganayn ku jiro labadii toddobaad ee ugu dambeeyey taasina keentay in aanu marnaba qarsan sida uu uga cadhaysan yahay maamulka kooxda oo uu ku eedeeyey in aanay lahayn istaraatiijiyad ay kooxda wax kaga baddalaan kagana saaraan xaaladda dib u dhac ee kooxdu ku jirto isaga oo sheegay in aanay la iman qorshihii kooxdu dib isugu habayn lahayd ee ay jidka guulaha dib ugu soo laaban lahayd.
“Lionel Messi waxa uu marar dhawr ah bartiisa Instagram ku baahiyay qoraallo dhimbiilaha dabka ka kulul oo uu masuuliyiinta kooxda ugu eedeeyey in aanay lahayn han iyo doonis ay kooxda dib ugu dhisaan. Waxa uu qoraalkiisii ugu dambeeyey ku sheegay in ay kooxdu u baahan tahay in ay la timaad qorshe ay ugu guulaysan karto koobka naadiyada horyaallada qaaradda Yurub oo aanay sannadihii ugu dambeeyey ku guulaysan isaga oo dhinaca kalena sheegay in uu ka xun yahay in aanay kooxdu heshiisyo la soo galin xiddigo wanaagsan oo kooxda ku soo celin kara tubteedii hore” ayaa lagu yidhi warbixinta ay BeIn Sports ku sheegtay xaaladda aan wacnayn ee uu ku sugan yahay Leo.
Dhinaca kale wargeyska Marca ee ka soo baxa magaalada MADRID oo xaaladda Messi wax ka qoray ayaa sheegay in kabtanka reer Argentine iyo Masuuliyiinta kooxdu isku maan dhaafsan yihiin heshiisyada kooxdu la soo gasho ciyaartoyga cusub iyo sidoo kale mashruuca horumarineed ee kooxda u yaalla oo uu gabi ahaanba Messi aad u diiddan yahay. Waxa kale oo uu wargeyska Marca qoray cadadkiisii maanta oo Sabti ah in Lionel Messi uu cadho xooggan ka qaaday dhibcaha badan ee ay lumiyeen tartanka Horyaalka Spain ee LA LIGA oo keenay in ay kooxda ay is hayaan ee Real Madrid ku hogaaminayso afar dhibcood oo nadiif ah iyo sidoo kale iibkii kooxda Barca ay dhiggooda Juventus kaga iibiyeen xiddiga da’da yar ee Artur oo u wareegaya marka uu xilli ciyaareedkani dhammaado tartanka Seria A.
Isku soo wada duuboo xaaladdan cadhada ah ee uu ku sugan yahay Lionel Messi ayaan la ogayn halka ay sal dhigi doonto iyo sida ay uga jawaabi doonaan maamulka sare ee kooxda Barcelona oo marar badan si cadho leh uga jawaabay tabashooyinka uu qabo halyeygoodu.