GABBAD iyo GUUN – Ilko Bariisle Qaniinyo Kululaa – Siyaasi Cabdillaahi Geeljire

0
1247
Gabbad:  Qoladan ‘Laandta ee dhirtu inaga dhaxayso ayaan la yaabay.
Guun: Adigaabu yaab kugu hadhay. Nin baa laga hayay “Caano kala quusanay ee halkaan hadhuubka iska dhigaa?” Waar yaab iyo waxaa goormaanu kala soconay.
Maxaadse aragtay ilayn qof nool lagama quustee?
Gabbad:Waa nimanka Taiwan oo China weetaynayso yidhi xidhiidh baanu la samaysanay. Ma is tidhi China ayuumbay inagu cariyeen?
Guun: Adigu dublamaasiyadda ma waxbaa kaaga baxsan? Maxaa badahaa ku gelinaya?
Gabbad: Ma aniga? Ahaaa! Maxaynaan isba aqoon. Show geedkan xun uunbaynu isku aragnay. Shirkii Djibouti ninkii “Baraakitka” ka faalooday miyaanan ahayn?
Guun: Dabadeedna?
Gabbad: Taasi miyaanay Dublamaasiyad ahayn? “ Xaashee nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaab.” Ayuu yidhi Salaan Carrabay.
Guun: Haye maxay kale? Waar ilayn wax waalan anagaa argnay.
Gabbad: Doolar Yamyamuuto inuu shaqada ka fadhiisan doono ciyowgii sheegay miyaanan ahayn? Taasi miyaanay dublamaasiyad ahayn?
Guun: Horta magacu waa Donald Yamamoto. Shaqadiina kamuu fadhiisan.
Gabbad: Oo waxaad leedahay doolarkii yamtaasuu weli ku sii haynayaa. Ninyow ninku horta xumaa muxuu Madaxweynaheena lacagta ugu diiday ee u yidhi Xamar meel aan ahayn lacag geyn mayno? Ismaba yaqaanaane ka warran.
Guun: Madaxweynuhu qarankuu lacagta u soo dhicinayay ee ma isagaa doonayay?
Gabbad: Wallah? Mayee anigaa taa waa layga badiyaaye. Dublamaasiyadda aan gaadhay ma aha taasi. Bad hay gelin.
Guun: Taiwantaada iyo Gambia daadaa iskaga warwareeg.
Gabbad: wallahi mas baynu dabada qabanay oo qaniinyaa inagu soo maqan China ka timi. Ilko bariis leh waxna ka qaniinyo kulule. Halkuu qaniino waa loo jaraa sida Mascaqalayda.
Guun: Waar qarankaad xaasidaysaaye qaranka ha xaasidin. Dunidii oo dhan baa ina hadal haysa imika.
Gabbad: Oo dunida miyaad af taqaan?
Guun: Oo waayo? Ma maskax ma leh baa lagu yidhi?
Gabbad:  Anigu Afsomaligii baan belo ku qabaa. Labadii sanadood iyo badhkii aynu geedkan u soo guurnay bishan dabayl xagaadu dhacayso oo aan wax badan ka maqli waayay mooyaane; intaaba waan baranayay.
Guun: Dabayl xagaada ha ku meeraysto ee daa. Weligaaba waad dhego la’ayd. Yaad badawsanaysaa? “Xataa anaa yaa Haamaan?”
Gabbad: Miskiin. Xaasid baad tahee maxaan kaala hadlaa? Ka mar kasta yidhaahda “Afka Ciyowga iigu sheeg.”miyaanad ahayn?
Guun: Maxaynu isku haynaa imika? Bal soo daa waxaad taqaan.
Gabbad: Sug dee horta. Xaggaad ku ordaysaa? Murankii baad igu ilawsiisay qaar eh aan xasuustee.
Guun: Imikuu indhaha ka gabadh-gabadh siinayaa. Sheeg dee.
Gabbad:Dee horta layskuma qayliyee . Arrintii hore aan meel isla dhignee anigu mar hadday Indhayar inoo imanayso mid dheregsani haynoo timaado. Waata la yidhi Shiinuhu wax walba wuu cunaa oo xataa fiidmeerta wuu cunaa. Walaahi halis baynu galnay. Markiisa horebana Djibouti iyo Ethiopia ayuu joogay oo baqe ayaa i hayay. Beryahaa kor anoo u ciyaya miyaad i maqashay?
Guun: Shuuuush! Imikadan qudheeda hoos u hadaloo. Sheeg Afsoomaliga erayada aad ka baratay.
Gabbad: Dee horta Ilaahay baa ina dilayee marka intii yarayd ee faanka ahayd ee aad igu taqaanay laga tago sidaa uma sii badna.
Guun: Haye wad.
Gabbad: Baloodh kow dheh. Madaxtooyada Cusub,Danyar,uuuuu uuuu Ilaahayow naga qabo,Ceel Afweyn,Shaqo Qaran, Sicir barar,Dal faqiira baynu nahay oo aan cidi ictiraafin,Berbera Corridor, Nimco Qorane,Caarre,Doorasho,La wada leeyahay,Ila Meerayso, Beesha Caalamka, Corona,Guddida Corona, million doolar,Reshuffle,Face Book,Farmaajo.Baaq shacab, Xamar baa ka dambaysa,
Dee tiro ma leh ee miyaan wadaa uun besba miyaanad odhanayn xiiqaye.
Guun: Maxaan idhaa jooji ma waxbaa kugu hadhay?
La Soco Sabti walba…….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here