Xurguftii Siyaasadeed Ee Saxaabada: Muqadisnimada Mabaadii’da Ayaa Ka Mudan Meeqaamka Ashkhaasta (Qaybta 3aad): – Qalinka: Prof. Axmed M. Ismaaciil

0
707

Sida aynu hore uga soo hadalnay dhiganahan, si  waafi ah ayaa aynu u gu gorfeyn doonnaa Fiqhiga Sooyaalkii ummaddan iyo khilaafkii siyaasadeed ee Saxaabada ka dhex dhacay. Qoraaga buugga ayaa saddex iyo labaatan xeer ku soo ururiyay sooyaalkaas, isaga oo uu ka soo dheehday fiqhiga balaadhan ee uu Sheekh ibnu Taymiya ka qoray taariikhdaas.

Xeerka kowaad : Hubsiimada minguuriska iyo werinta

Sooyaal wal oo duninada ah, habka loo soo weriyo, iyo cidda warkaa warkeeda la ga qaato ayaa ay ku xidhan tahay. Taariikhda maydhaan iyo badhax ayaa ku yimaadda haddii la xil aan la iska saarin silsiladda iyo nuxurkaba,  dadka weriya iyo sida ay facyow kala dambeeya u gaadho iyada oo fidho la’, la hubo oo dad la gu kalsoon yahay ay soo minguuriyeen.

Qoraaga buugga ayaa mar uu ka hadlayey sida ay tahay in loo hubiyo qaabka loo soo minguuriyo ama weriyo sooyaal in ay tahay in hubsiimo ay sees iyo sal u noqoto. Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: Waxa u gu  weyn ee haleelay dadyow badan oo isku dayey in ay soo minguuriyaan sooyaalkaa ayaa  qaar dhex dhumbaday in ay tahli waayeen, sidii ay si hufan oo hubanti ah u soo werin lahaayeen dhacdo, ama minguurin lahaayeen. Arrintaasi waa dhito baaxad weyn oo dhaxal  keydsamay  u noqday jiilal Muslimiin ah oo ka la dambeeyay, qisooyin is hirdiyaya oo liddi isku ah, iyo dhacdooyin is burinaya ayaa loo soo naqliyay, hiil iyo kala safasho weyn (Tacasub) ah ayaa ka dhex abuurmay. Cilmibaadhe waliba marka uu masawir ka bixinayo dhacdooyinkaas waxa uu daliishadaa Riwaayadda aragtidiisa xoojinasa ee cudduda ama daliilka u ah, indhahana ayaa uu ka laliyaa in uu si mawduuci ah iyo miisaan saxar la’  u eego oo sooyaalkaa u baadho.

Marka sooyaal la soo rarayo, ee jiilal iska dhaxlayaan, majaraha iyo manhajku waa u laf dhabar, qoraagu waxa uu si cad u xusay in jidka u saxan soo guurinta sooyaalka ummadda Muslimku uu yahay marinka ay Ahlu-Xadiisku raaceen. Qoraagu isaga oo sharraxaya qodobkan ayaa uu yidhi: Manhajka ugu mudan xagga minguurintu waa Ahlu-Alxadiiska, waayo, Jidkani ku ma dhiso Riwaayaddaha aragtida ay waafaqayso ama midda ay ka soo horjeedsanayso, se senadka ama silsiladda werenweryo ayaa uuka fiiriyaa  sida ay u fayowdahay ee xidhiidhkeeda taxid ay isu daba yaallaan dad cadaalad leh iyo in ay tahay Riwaayaddaasi tu alhuumaysan oo  cilladaysan ( Shaad ah).

Minguurinta mawduuc taariikheed baa u baahan in sida loo soo guurinayo ay tahay mid sugan, oo habraac leh. Qoraaga ayaa la yaab ku tiriyey in cilmibaadhayaashu qof silsiladda werinta ku jira la ga dhigo mid aan warkiisa la qaadan ama dhayalsi badan oo aa la gu kalsoonaan Karin, se dadkaa la dedefeeyay sooyaal ay soo weriyeen uu u cuskado haddii ay u awdayso xujo uu u baahana yahay:  arrinta yaabka iy irkiga leh ayaa ah in dadyow casrigan maanta jooga oo madarasadda Ahlu-Alxadiis ku abtirsada ay surin kale qaadaann marka ay daraasaynayaan qaddiyadda khilaafka Saxaabada, weerar adag ayaa ay ku qaadaan dadka beenaalayaasha ah iyo dadka xaajo sahalka ah ee soo naqliya dhacdooyin ama sooyaallo, iyada oo aad arkeyso iyaga oo dadyowgaas qudhigoodii u daliishanaya kol ka ay aragtidooda ay xujo u noqonayaan.

Cid wal oo rabta in ay daraasad ku samayso khilaafka Saxaabada dhex maray sabir dheer baa uu u baahan yahay, in uu ka  taxadaro halis weyn oo naqliga ah in uu galo ayaa u taalla, Kutubta Ansaxa ah (saxiixa)  ee sened iyo sunne ba u saxan ayaa loo ga baahan yahay in uu si aan daal lahayn u daalacdo, sidaas oo kale inuu muraajaceeyo kutubta Taraajumka ( Taariikhda) ee Ahlu-Xadiisku ay qoreen ee qisooyinka ku duugan oo dhan la saxay ee saxar tiray, si la mid ah na la dedefeeyay qiso ama riwaayad wal oo  aan fayoobayn oo cilladaysan oo la soo arooriyay. Cilmibaadhahan waa in uu yahay qof  awooda in uu dhacdooyinka filiqsan uu qalbacyo isu saari karo si ay masawir buuxa u bixiso , in aanu noqon qof ku tiirsan Ciwaanada waaweyn ee ay culimadii hore bixiyeen oo baabab u ga dhigteen iyo sida ay ahmiyadda u gu lahayd iyaga arrinkaasi. U dambayn waa in ay ka soo dheegaan  macnaha ay ammintaa tagtay u lahayd iyo waayaha ay u leedahay awaalaha imanaya (mustaqbalka)

Kutubta Xadiisku waa qani, jiilkii kowaad warkooduna waxa uu ku duugan yahay kutubta Xadiiska , si faahfaahsan oo waafi ah ayaa aad u ga helaysaa khabar iyo war wal oo ku taxan  in uu ogaado sooyaalkaa hare, wax aad u yar ayaa uu baadhahu u ga baahan karaa kutubta Taariikhda ka warrama , Taariikh yahanada ugu wanaagsan waa Ahlu-Alxadiis, la ba cilmi ayay koobabsadeen raggaasi; weliba si hufan, Culimadaa waxa ka mid ah;  Ibnu Kathiir, Dahabi , Ibnu Xajar iwm. Culimadaasi ayaa ka la hufay oo kala haadiyay riwaayadaha sooyaalka ka hadla;  kuwa fayow iyo kuwa belaysan ee shaadka ah, iyagu si qoto dheer ayaa ay u fahmeen cilmiga la gu hubiyo wararka, hadday caddaalada oo laga eego tahay ama sida loo dedefeeyo ruux aanu warkiisu saxnayn ba, in kasta oo aanay miisaanka (Al-Jarxu ,wa Tacdiil) saarin wararka taariikhda. Culimadu sahal ayaa ay ku aqoonsadaan werinta beenta ah, midda baal marsan saxanaanta war oo ay hore u hayeen , werimaha dedefaysan. Kutubta Xadiisku cimibaadhaha ayaa ay ka taageeraysaa in uu helo il ama masdar warar sugan oo saxan ay tuulan yihiin.

Xeerka Labaad:  Dugaashiga Fadliga Saxaabada

Dadyow badan oo ka hadlay xurguftii saxaabada ayaa si eex ah uga warramay, gar iyo gardarroba u xangaruuftay, Galladdii iyo fadligii saxaabada, in ay yihiin jiilkii hormarey ee diinta u soo hiiliyay ayaa ay iska indho tireen, ku ma ay ekaan in Saxaabiga gef galay isaga gooni u gu qabtaan. Se, si  heeggaa bannaan ayaa ay carrabka u gu calaashadeen, af xumo iyo been abuur ayaa ay ku la kaceen.

Duulka sidaas yeellay oo Raafidada Shiicadu kow ka tahay ayaa Sheekh Islaam Ibnu Taymiya uu ka difaacay, kutub qiimo badanna uu ka allifay ; “Minhaaj Sunna Nabawiya”, waa dhigane si guud u ga hadlaya caqiidada iyo Siyaasadda, waa kitaab si waafi ah oo gudo balaadhan uga hadlay qaddiyaddan, baalal dhanna u gaar yeelay in uu ka ga Fatwoodo arrinkaas.

Inbnu Taymiya ayaa ka ga warramay kitaabkaa Fadliga ay Saxaabadu dheer yihiin ummadda Muslimka ah inteeda kale; oo yihiin dadkii diinta xambaaray ee fidiyey; “Ruux wal oo Allaah rumaysan, Muumin ah,  Saxaabadu gallad ayay ku leedahay tan iyo waahga Qiyaame”. Qof wal oo caqli leh baa ay deeqaysaa in ruux abaal ku leh, wanaag u falay ay dawdarro ku tahay in uu xumo u quudho.  Jiilkii hanuunka iyo kitaabka Allaah ku soo gaadhsiiyay sidee baad ugu quudhi kartaa aflagaado iyo iimo.

Iyadu na ma qummana in tixgelinta ama ixtiraamka Saxaabadu xadhkaha goosto, in geyso heer ka kormarsan aadamiga ama basharka, waa in sharcigu ku dabro, kama’ ama gef yar oo Saxaabada ka dhacay waa in aanad ku lumin galladdii iyo fadligii jiilkaa kowaad, sidaas oo kale waa in aan marmarsoomo u raadin gef ka dhacay saxaabi , iyo in Fadligooda la qariyo shareecada ayay ka hor imanaysaa.

Qoraagu waxa uu soo qaatay qisada Misdax binu Asaasa oo ahaa Saxaabi RC , Muhaajiriintii Beder ka qayb galay ayaa uu ahaa, warkii been abuurka ahaa ee Caasha Afadii Rasuulka ayaa daraf ka noqday, Caasha RC oo ka warbixinaysa sida ay iyadu qisada ku maqashay oo  war dheer ah….”Aniga iyo Umu Misdax baa is raacnay… Ummu Misdax baa turunturrootay oo tiri: Misdaxow Bidhinbidh, Caasha ugu jawaabtay;  eraygaad tidhi qadhaadhaa ;  ma nin Beder ka qayb galay baad caayeysaa?.. dabadeed Qur’aankii la gu beri’ yeelay baa soo degay. Abubakar Siddiiq oo Misdax qaraabo ahaan iyo faqiirnimo ku quudin jiray ayaa yidhi: Wallaahi inaan dib u quudinahayn ninka caasha sidaa ku yidhi. Allaah ayaa soo dejiyay. “ Yaanay ku dhaaran maalqabeenada idinka midka ah ee galladaysan, in aanay quudin qaraabadiina, masaakiinta iyo kuwa dar allaah u soo suudalay, ha saamaxaan oo ha u dhaafaan, miyaydaan jeclay in Allaah denbiyadiina dhaafo, Allaah waa dunuub dhaafe raxmad badan”

Qisadan umuuro ayaa ku duugan ;  Jawaabta Caasha ay u gu hal celisay Umu Misdax; iyo diidmada cayda ninkaa Mujaahidka ee beder xaadiray, waxa ay ina baraysaa in ay sharci tahay in la qiro fadliga iyo galladdii ay lahayd saxaabadii diinta u hiilisay maalintay adkeyd , saxaabaduna arrinkaas waa ay fahamsanayeen oo weliba ay qaddarin jireen.

Qisada labaad waa Xaadib binu Abi Baltaca oo xog dagaal si hoose u gu gudbinayey Gaalada Qureysheed, isaga oo ka warqaaday Rasuulka SCW iyo dhaqdhaaqa ciidankiisa, arritan oo marka xagga ciidanka la ga joogsado gef weyn ah. Imaamu Bukhaari ayaa isagu na Cinwaan u ga yeelay ( Jaasuus), xukunka Basaaska muslimka ah. Qisada Xaadib Nebigu NNKH waa uu ka aqbalay cudur daarkii uu sheegtay Xaadib, waxa u shafeecay Jihaadkii iyo weliba inuu ka mid yahay faca u horreeyay ee diinta u gargaaray. Cumar binu Khadaab ayaa ku hammiyay in uu surka ka gooyo, “Cumar baa yiri:  Ii bannee Rasuul Allow aan rubadda ka jaree, Nebigaa NNKH u gu jawaabay, isagu beder ayaa uu ka qayb galay, maxaad kala socotaa in Allaah daalacday reer Beder ; oo ku yiri waan idiin dembi dhaafay ee sidaad doontaan fala. Cumar binu Diinaar  baa yidhi waxa soo degtay Aayadda ah “ kuwa iimaanka la ga helayow , ha ka yeelanina cadawgayga iyo cadawgiina  Weliyo”.

Xadiiskan waxa uu kuu muujinayaa in aan gef iyo kufid yar la gu waasiin qof ka mid ah facaa hore ee diinta u soo hiiliyay iyo in fadligoodu uu yahay mid qiraal ah oo ixtiraam leh.

Fadligaas iyo in ay ahaayeen jiilkii kowaad ayaa shafaaco u noqday,Muuminiinta oo dhanna waxa u yaalla in gef Saxaabi ka dhacay aanay u fiirsan, Abubakr baa  Allaah ku amray in aan ninka ay ehelka yihiin ee Mujaahidka Muhaajirka ah aanu ku goyn gef yar oo ka dhacay, illayn waa Bashar Aadami ahe.

Marka la ga hadlayo arrinta Fadliga Saxaabada iyo in ay horyaalkii ummaddan ee ku ammaannaa yihiin, ka ma beermayso in gefafka ka dhacay ahaayeen qaar iyaga loo ogolaa, ama in Islaamku dadka qaarna xukumo saaro qaarna ka cafiyo , Nebigu SCW xukunka qadafka ayaa uu mariyey dhammaan dadkii qaddiyaddii ifkiga daraf ka ahaa, oo uu Misdax oo Mujaahid Muhaajir ah uu ku jiray.

….La Soco 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here