Idaacadda Sweden Oo Ka Warrantay Xaaladda Bani Aadamnimo Ee Ka Jirta Xabsiga Haweenka Gabiley

0
261

“14 Ka Mid Ah Xabsiyada Somaliland Ma Buuxiyaan Shuruudaha Ugu Yare Ee Qaramada Mudoobay U Dejisay Daryeelka Dadka Xabsiyada Ku Jira” ..Idaacadda Sverigesradio

Stockholm (Foore)- Idaacadda Waddanka Sweden ee lagu magacaabo sverigesradio waxa ay Warbixin Bani aadamnimo ka diyaarisay Xabsiga Magaalada Gabiley gaar ahaan qaybta Haweenka oo ay ku jiraan maxaabiis haween ahi.

Warbixintan oo ay diyaarisay haweenay lagu magacaabo Muna Ismaaciil Jaamac oo ka shaqaysa idaacaddaasi waxa ay u kuur gashay xaaladda Bani aadamnimo iyo duruufaha nololeed ee haweenka Maxaabiista ah ku haysta Jeelka Magaalada Gabilay waxaanay qaarkood ka cawdeen xagga fayo-dhawrka iyo duruufaha ku haysta.

Warbixintan oo ku baxday Luuqadda Afka Swedish-ka waxa lagu yidhi sidan: “Ku dhawaad midkoodna 14 ka mid ah xabsiyada Somaliland ma buuxiyaan shuruudaha ugu yar ee Qaramada Midoobey ay u dhigtey daryeelka dadka xabsiyada ku jira”. Sidaasi waxa lagu qorey bogga rasmiga ah ee Raadiyowga Sweden oo war-bixin  socotey 8 daqiiqo kaga warramay xaaladda Xabsiga haweenka ee Magaalada Gabiley.

Warbixintu waxa ay sheegaysaa in Makhsino yar  yar ay  15 illaa 20 haween ah la isugu geeyey.  Makhsinku wuxuu urayaa kaadi sababta oo ah musqushii oo bila albaab ah ayaa u dhow.

Dumarka qaar waxa ay ka cabnaya xanuuno jidhka kaga dhacay nadaafad darro awgeed.

War-bixinta waxa lagu waraystay qaar ka mid ah dumarka xidhan. “Aniga waxa la igu eedeyey xashiishad sanad iyo dheeradna waan xidhan wali caruurtaydii oo 7 ah lama kulmin, aad baan ugu dhibaataysanahay” ayey tidhi mid ka mid ah haweenka maxaabiista ah oo u warramaysay sverigesradio.

“Radio-ga Sweden oo booqdey Xabsigu waxa uu wareystey Faadumo Maxamed oo ka tirsan ilaalada xabsiga waxaanay tidhi sidan: “Waxa ugu badan ee lagu soo xidhey dumarka waa  khamri oo sadex sano iyo sadex million sl shilling  oo ganaax ah. Xataa haddii Haweenaydu dhammaysato muddada xabsiga kama bixi karto xabsida illaa inta ay bixinayso lacagta ganaaxa ah ee dowladdu rabto. Dumar badan ma bixin karaan ganaaxa sidaa darteedna way ku sii jiraan xabsiga “Sidaa waxa tidhi Faadumo oo ka mid ah waardiyayaasha xabsiga.

Dumarka haddaba wakhtigoodii dhammaystay ee lacagtii ganaax ahayd waayey meel ay ka keenaan waxa ka mid ah Faadumo Cabdiqaadir. Faadumo waxa lagu soo eedeyey inay dahab xadday, muddadii xabisga lagu xukumey way dhamaysatey laakiin siday sheegtey wali way ku jirtaa xabsiga sababta oo ah waxa laga rabaa inay bixiso ganaax lacageed in ka badan 4000 oo dollar si ay u baxdo. Waxay sheegtey in caruurteedii la geeyey xarunta agoomaha, sidoo kalena aanay awoodi karin inay bixiso lacagtaasi ganaaxa ah.

Gabadh kale oo iyaduna xabsiga ku jirtaa inka badan sannad wali lamay kulmin caruurteeda oo 7 ah sida ay sheegtey.

Xafiiska Daryeelka Maxaabista

Xafiiska daryeelka maxaabista ee Stockholm waxa ka socda qorshe lagu taakuleynayo xabsiyda Somaliland. Aase foshaug ayaa ku howlan qaabka uu noqon doono qorshahaasi. Maalgalinta qorshaha ayaa  lagu qiyaaseysaa ilaa 12 million oo Lacagta Sweden ah Swedish crown.

Lacatas oo la filayo inay ka timaaddo hay’adda Sweden ee Gargaarka caalamiga ah ee loo yaqaano SIDA. https://www.sida.se/Svenska/

Lacagta ayaa loo kala qaybin doonaa 3 sano oo ka bilaabma sanadkan aynu ku jirno ee 2020. Qorshaha Mashruucan waxa ku jira ina la tababaro dumarka askarta ah ee ka shaqeeya Xabsiyada oo aan iyagu wax aqoon iyo tababar ah ka helin dowladda.

Haweenayda lagu magacaabo Aase Fosshaug oo ku takhasustey xidhiidka wada shaqaynta daryeelka maxaabista ee caalamiga ah oo sverigesradio la hadlaysay ayaa tidhi ” waxa la isku waafaqey adduunka adeegga ugu yar ee loo fidin karo  maxaabista, waxaana ugu muhiimsan in dadka xabsiga ka shaqeynaya aqoontooda kor loo qaado. Waxa Sweden ka imanaya dad  ku takhasusey arrimha daryeelka maxaabista oo tobabarro iyo talo bixin u fidin doona shaqaalaha.

Aase Fosshaug oo ka warramaysay waxyaabihii ay ku soo aragtay markii ay booqatey xabsiga Gabiley qaybta haweenka ayaa tidhi: “Dhibaatada ugu weyni waxa ay tahay in dumarku iftiinka cadceedda arkaan wax ka yar hal saac maalintii inta kalena ay ku xeraysanyihin qolalka xabsiga. Marka ay soo baxaanna cadceedda iskuma dhigi karaan, waayo ragga ilaalada ayaa kolba soo galaya oo sii baxaya. Arrintaa oo ceeb ah adduunka intiisa kale.

Aase Fosshaug waxay ku soo gebogabeysay hadalkeeda “Daryeelxumada jeelasha oo lagu darey hogaamin xumada iyo shaqaale bilaa tacliin ah waxay khatar galinaysaa kuwa meesha ka howlgala iyo kuwa ku xidhan”

Gunaanadka war-bixin waxa hadashey Faadumo Maxamed oo xabsiga ka shaqo bilowday iyadoo 17 jir ah. Waxay sheegtey in aanay dhamayn Dugsiga hoose, aadna ay u doonayso inay barato sida looga shaqeeyo xabsiga. Iyadoo hadalka si wada ayey tidhi: “Waxa kaliya ee aan meesha ka qabtaa waa inaan albaab furo albaabna xidho, waxaan u baahanahay inaan waddanka sharcigiisa barto iyo sida loola dhaqmo maxaabiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here