Xogo Gaar Ah Oo La Xidhiidha Waddanka Taiwan Ee Somaliland Xidhiidhka Cusub La Yeelatay

0
665

Taipei, July 2, 2020- (Foore)- Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si rasmi ah shaaca uga qaaday in ay xidhiidh cusub oo iskaashi la yeelatay Jasiiradda Taiwan oo ka mid ah dalalka aan sida rasmiga ah uga mid ahayn qaramada Midoobay balse ay dalal door ahi aqoonsan yihiin, dunidana macaamilka weyn la leh.

Jasiiradda Taiwan oo loo yaqaano Jamhuuriyadda Shiinaha waa jasiirad ku taalla Bariga qaaradda Asia waxaanay xuduud la leedahay dhinaca Woqooyi Galbeed dalka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha oo ah waddanka weyn ee Shiinaha, dhinaca woqooyi bari waxa ka xiga waddanka Japan, halka waddanka Filibiin uu kaga beegan yahay dhinaca Koonfur.

Caasimadda waddanka Taiwan waa Taipei. Tirada dadka ku nool Taiwan waxa lagu qiyaasaa 23 Milyan iyo 780 kun oo qof. Luuqadda ay shacabkeedu ku hadlaan waa Mandarin Chinese. Diimaha lagaga dhaqmo waddanka Taiwan waa Buudiisamka, Taoisam iyo Kiristaanka oo ah 3.9%. Lacagta waddankaasi isticmaalaa waa New Taiwan Dollar oo ah lacag qiimaheedu wanaagsan yahay maadaama dhaqaalaha dalkan yar aad u kobcayay sannadihii ugu dambeeyey.

Dhinaca Siyaasadda Haweenay ahaa Madaxweyne ka ah waddanka Taiwan waxaana lagu magacaabaa  Tsai Ing-wen, nidaamkiisa xukunna waa Nidaamka Jamhuuri ah oo sida Somaliland oo kale ah Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen. Marxalado taariikhi ah ayay jasiiraddani soo martay waxaana wakhtiyada qaar gumaysan jiray Jabaaniiska halka ugu dambayn ay noqotay waddan gaar uga baxay Shiinaha. Inkasta oo Shiinaha iyo dalal dhawr ahi ka soo hor jeedaan Madax bannaanida Taiwan haddana waxa dalkan aqoonsan illaa imika 18 Waddan oo dunida ah. Waxaana ugu hor aqoosaday dawladda Kiristaanka ee (Vatican) oo sannadkii 1942-kii aqoonsi siiyay.

Waa waddan yar oo saamayn dhinaca ganacsiga ah leh, dalal badan oo dunidana xidhiidho ka dhaxeeyaan waxaanu ku wanaagsan yahay dhinacyada Tiknoolajiyadda, Dillaalnimada ganacsiga, Ganacsiga ku dhisan maalgalinta iyo arrimo kale oo badan kaasi oo galaangal weyn la leh dalal badan oo awood leh sida Maraykanka.

Waxa hubaal ah in xidhiidhkan cusub ee Somaliland la yeelanayso Taiwan uu noqon karo haddii sidiisa looga midho dhaliyo mid faa’iido ganacsi iyo iskaashiba u keena Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here