Somaliland Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Nin Kufsi Iyo Dil U Geystay Gabadh Yar Oo 18 Jir Ah

0
745

Boorama, July 2, 2020- (Foore)- Maxkamadda Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa Arbacadii shalay waxay xukun Dil toogasho ay ku riday Cabdi Siciid Muuse, kaas oo  hore falal isugu jiray kufsi iyo Dil ugu geystay Gabadh 18 jir ah oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Shugri Yuusuf Xuseen. Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdi Siciid Muuse oo ah Ninka falkan  foosha xun ee ka dhacay deegaanka degmada Garbadadar Gobolka Awdal u geystay Marxuumad Shugri Yuusuf uu isagu qirtay inuu sameeyey falkaas ay ku geeriyooday Marxuumadaasi

Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Geedi Barre oo ku dhawaaqay Xukunkaas ayaa sheegay siddan “Aayadahaa Qur’aanka ah Maxakamaddu iyadoo cuskanaysa waxay ku xukuntay dambiile Cabdi Siciid Muuse 22 Jir ah waxay ku xukuntay Dil Toogasho ah  oo ah qisaastii Marxuumad Shugri Yusuf Xuseen ee uu qudha ka jaray, Maxakamaddu waxay u cuskatay shareecada islaamka iyo qodobadaa xeerka ciqaabta guud, xukunka waxay ku dhawaaqday maanta “ shalay” oo ay taariikhdu tahay 1 bishii toddobaad 2020ka , waxa u furan rafcaan cidii ku qanci weyda .” Ayuu yidhi. Xeer ilaalinta Gobolka Awdal oo xukunaas ka haddashay ayaa sheegtay “ Maxakamaddu waxay soo saartay Xukun Caddaalad ah waananu ku qanacsanay ka Xeer illaaliye ahaan,xukunka Maxakamaddu ay soo saartay .”Ayey tidhi Xeer ilaalintan Gobolka Awdal. Dhanka kalena eheladda Marxuumadaas ayaa iyana soo dhaweeyey Xukunkaas “Annagu waxaan u arragnaa in iyadduna xuquuqdeedii in ay heshay annaguna waan ku samraynaa, caddaalad fiican ayey heshay iyadoo dhinac-na loo weecin iyadoo xaqeedii la mariyey .”ayuu yidhi

Geesta kalena Qaar kamid ah qareenadii u  doodayey Marxuumad Shugri Yuusuf, ayaa iyana soo dhaweeyey Xukunkaas ay soo saartay Maxakamadda Gobolka Awdal “Guul ayaa la joogaa Dacwadii waxa la xukumay xukunkii koobaad ee Maxakamadda gobolka , waxaana ka furan rafcaan oo weli Dacwadii may dhammaanin ee waa talaabadii koobaad ee Maxakamadda Gobolka xukunkeedii ayaa dhacay , waxaanu rajaynaa in derajooyinka kale ee Maxakamadduna ay siddaas si leeg u xukumi layeen ilmahaa yar ee dhimatay ee dilka iyo Kufsiga xuni ku dhacayna ay u heli lahayd Caddaalad sidda ay maantaba u heshay .” Ayey tidhi

Gunaanadkii Qareenkii u doodayey ninka  dilkaas iyo kufsigaas ku kacay ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay xukunka Maxakamadda ka soo baxay madaama oo uu qirtay eedaysanihii inuu falkaas ku kacay’’Qareen waxaan ugu ahaa bal in wax sharci darro ah ama Caddaalad darro ah lagu sameeyo waxa weeye Maxakamaddu waxay ku xukuntay dil qisaas ah isaga ayaana qiraal ka ahaa kaasi .”Ayuu yidhi

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here