Itoobiya Oo Qiratay Xadhiga Ninka Ugu Weyn Mucaaridka Oromada Ee Jawar Maxamed Iyo Xaaladda

0
689

Addis Ababa, July 2, 2020- (Foore) – Ethiopia ayaa xaqiijisay inay xidhay siyaasiga hoggaamiya mucaaradka ee Jawar Mohammed, tallaabadaas oo sii holcin karta xiisadda qowmiyadeed ee toddobaadkan horseeday in dad dhowr ah ay ku dhintaan Gobolka Oromia.

Jawar, oo ahaan jiray mulkiile warbaahineed oo dhowaan ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress, ayaa shalay isaga iyo 34 qof oo kale lagu xidhay magaalada Addis Ababa, sida uu sheegay madax booliska federaalka Endeshaw Tassew.

Xadhiga ayaa yimid intii uu socday iska horimaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xidhiidhay meydka Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oromo ah oo habeenkii Isniinta la dilay, taasi oo dhalisay dibad-baxyo xooggan.

Endeshaw ayaa sheegay in meydka Hachalu loo waday magaalada uu kasoo jeedo ee Ambo, si loogu aaso, islamarkaana Jawar iyo taageerayaashiisa ay is-hortaageen ayna isku dayeen inay ku celiyaan Addis-Ababa, kadibna uu xigay isku dhaca.

“Waxaa isku dhac uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo dad kale, waxaana halkaas ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka Oromia,” ayuu Endeshaw ku yidhi bayaan uu soo saaray.

“35 qof oo uu ku jiro Jawar Mohammed ayaa la xidhay. Ciidamada ammaanka waxay qabteen 8 qori oo Kalashnikov ah, shan bastoolad iyo sagaal raadiyaha codka gudbiya ah, kuwaas oo ku jiray baabuurka Jawar Mohammed,” ayuu yidhi.

Xadhiga Jawar ayaa sii xumeyn kara rabshadaha gobolka Oromia, oo ku hareereysan magaalada Addis-Ababa, islamarkaana ah xudunta qowmiyadda Oromada. Talaadadii, saraakiisha iyo goobjoogeyaal ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof lagu dilay Oromia. Bishii October, warbixino sheegayey in dowladda ay isku dayeyso inay ciidamada ilaalada ah ka qaaddoo Jawar ayaa hoggaamiyey rabshado socday maalmo oo ay ku dhinteen 80 qof.

Xaaladda kale ee werwerka leh ayaa ah markii la helay xogo tibaaxaya in kooxaha kacdoonka wadaa ay doonayaa in ay bartilmaameedsadaan dhuumaha biyaha keenta caasimadda iyo sidoo kale taawarrada korintada in ay burburiyaan sidoo kale ay khudaarta iyo raashinka ka yimaad deegaamada Oromada ay joojiyaan si ay caasimadda xaaladda ugu xumeeyaan taasi oo keentay in ciidamada Milatariga la geeyo goobo badan oo deegaanka Oromiya ah.

Shalay, Saddex qarax oo waa weyn ayaa ruxay caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayada oo tiro dad ah oo aan weli la ogeyn ay ku naf waayeen, ayada oo ay dhaceen dibad-baxyo ka dhashay dilka fanaankii caanka ahaa. “Waxaa dhintay qaar ka mid ah kuwii qaraxa aasay iyo dad kale oo shacab ah,” waxaa sidaas yidhi madaxa booliska Endeshaw Tasew.

Rabshadaha ayaa yimid kadib markii Isniintii la dilay Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah kaasi oo la toogtay 9:30 pm. Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaasi oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018.

Dhinaca kale ugu yaraan sided qof ayaa lagu dilay 80 kalena waa lagu dhaawacay magaalada Adama, halkaas oo sidoo kale ay ka dhaceen dibad-baxyada looga soo horjeedo dilka heesaaga. Adama ayaa waxa ay 90km koonfur bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here