Barnaamijka toddobaad laha ah ee The Boss ee BBC-da kabaxa ayaa soo bandhiga taariikhda hoggaamiyeyaal kala duwan oo ganacsiga heer ka gaadhay. Todobaadkan waxaa marti inoo ahaa Robin Hutson, oo ah aas aasaha iyo madaxa fulinta ee ganacsiga hoteellada UK ee Grown Hotels. Waxaa laga yaabaa in nolosha Robin Hutson ay ka hoosayn lahayd heerka uu maanta joogo haddii aanu ku dhici lahayn imtixaannadii Iskuulka. “Waxaan ku dhacay dhammaan maadooyinkaygii dugsiga sare, mana ii suurto galin inaan jaamacad ku biiro” ayuu yidhi ninkas 62 jirka ah. “sidaas darteed waxaan isku dayey in aan raadiyo wax kale oo aan ka shaqeeyo. Barigii aan 16 jirka ahaa ma aanan xiisayn jirin haasaawaha hablaha, hooyadayna waxay odhan jirtay, waliigaa waxaad jeclayd inaad madbakha dhex meeraysato”.
Waxa ay wiilkeeda kula talisay in uu iska diiwaan galiyo koorsada lagu barto shaqada hoteellada, arrintaas oo kor u qaadday xiisaha uu u qabay xirfadda cunto karinta, marti soorka iyo soo dhawaynta.
1994-tii ayuu aas aasay hoteelka caanka ah ee du Vin, wuxuuna 10 sano kadib noqday multi-millionaire, kadib markii asaga iyo ninkii ay bahwadaagta ahaayeen ay sharikaddii isaga iibiyeen lacag gaaraysa £66m. Wixii ka dambeeyey sanadkii 2011-kii, Robin waxaa uu dhisay koox kale oo hoteella ah, oo lagu magacaabo The Pig. Haatan waxa uu lix Xarumood oo shaqo ku leeyahay Koonfurta England, waxayna sharikaddiisa oo ku hawlgasha magaca – Home Grown Hotels – usoo xarooda sanadkii lacag gaadhaysa £20m. Markii la arkay xirfadda guulaysatay ee Robin ayaa loo aqoonsaday “ninka ugu saamaynta badan Britain ee dhanka hoteellada”. Waayo loogama baran shaqo xumo. Markii uu ka qalin jabiyey mac-hadka cunta karinta iyo marti soorka ee Surrey, ee kuyaal Koonfurta London, bartamihii sanadkii 1970, waxa uu ku biiray barnaamijka tababarka iyo maamul wanaagga ee Savoy Group of hotels.
Waxa uu shaqo hoose oo mudalab ah ka bilaabay Hoteelka casriga ah ee Claridge, ee kuyaal London, kahor inta aanu u wareegin oo aanu isla shaqadaas ka bilaabin de Crillon oo kuyaal Paris. Waxa uu dib ugu laabtay London, isagoo da’diisu ahayd 23 jir, waxa uuna noqday qofkii ugu da’da yaraa ee maamule ka noqda hoteelka Berkeley. Intaas waxaa u xigtay laba sano oo uu kasoo shaqeeyey hoteelka Bermuda. Waxa uu dib ugu laabtay UK waxaana loo soo bandhigay in uu noqdo maareeyaha guud ee hoteelka Hampshire asagoo da’ ahaan jiray 28. Robin waxa uu shaqadaas ka tagay siddeed sano kadib, hase ahaatee waxa uu markii ugu horraysay go’aansaday in uu iskii u shaqaysto. “Waxaan ahaa 36 jir, waxaan muddo igu filan u shaqaynayey dad kale, sidaas darteed waxaa ka fekeray in aan sidaas ku jiro inta noloshayda ka hadhay, iyo inaan isku dayo in aan wax kale qabto”.
Wixii kale waxay noqdeen in uu la wareego hotel magaalada badhtankeeda kuyaal, oo uu xoogga saaro iibka cuntada iyo khamriga. Sidaas darteed 1994-tii waxa ay iskaashadeen saaxiibkii, Gerard Basset, si ay u daahfuran hoteelka cusub ee du Vin. Si uu helo lacagtii uu u baahnaa, Robin waxa uu ku guulaystay in uu xaaskiisa Judy ka dhaadhiciyo in ay gurigooda rahaamad ahaan u dhigaan. Si uu u helo lacagtii uu u baahnaa, Robin waxa uu ku guulaystay in uu xaaskiisa Judy ka dhaadhiciyo in gurigooda amaah ahaan u dhigaan. “Arrintaasi waxay ahayd wixii ugu geesinimada badnaa ee Judy ay waligeed samayso, Eebbe ayaa ku mahadsan”. Ayuu yidhi. Robin iyo Gerard waxay sidoo kale asxaabtooda iyo qoysaskooda ka urursadeen lacag gaadhaysa £500,000, waxay sidoo kale bangiga kasoo amaahdeen lacag dhan £750,000.