Shirkadda SOMGAS Oo Faahfaahisay Adeeg Cusub Oo Ay Macaamiisha Guryahooda Ugu Keeni Doonaan

0
71

Hargeysa, June 29, 2020- (Foore)- Shirkadda Gaasta wax lagu karsado ee SOMGAS ayaa faahfaahin ka bixisay adeeg cusub oo ay dalka ka hir geliyeen oo ay iska kaashaan doonaan iyaga iyo shirkadda Tagaasida ee Dhaweeye kaasi oo ah in goob kasta oo aad joogto aad ku soo dalban karto laguuguna keeni karo Gaasta shirkadda.

Shirkada Somgas oo ah Shirkada ugu faca weyn shirkadaha gaasta dalka ee ka jira dalkan Somaliland, waana shirakadda ugu kaydka weyn Geeska Africa (Largest Gas Terminal IN Horn of Africa) marka laga reebo Banbaasa Terminal.

Shirakaddan oo sababihii loo aasaasay ay ugu weyd sidii loo badbaadin lahaa deegaankeenna xaalufka aad ka ahi ku socdo oo u dhow inuu noqdo ama ku dhawaado saxaaraha lama degaanka oo kele haddii aan laga hortagin oon gacan wada jira lagu qaban xaalufka dhirka qoyan ee dalka lagu hayo.

Shirkadda SOMSAG waxay isku dayday bal inay intii karaankeeda ah isku daydo inay yarayso isticmaalka xaddiga dhuxusha oo aad u fara badan dadkana ay u keento wax bedelkii dhuxusha u gala oo ay u isticmaali doonaan cunto karinta kagana maarmaan dhuxusha.

Sidaa awgeed, si ay baahida dalka ee dhinaca gaasta u daboosho waxay Shirkada Somgas maalgelin badan iyo waqti badan ku bixisay inay dalka ka dhisto Haamaha Kaydka Gaasta magaalo ganacsiyeedka Berbera.

Haddaba Shirkada SOMSAG iyadoo ka duulaysa habsimi ugu adeegida macaamiisheeda ku nool guud ahaan dalka Somaliland gaarhaan magaalooyinka waaweyn waxay go’aansatay inay la jaanqaado technologeyda Casriga ah. Waxaanay daaha ka fayday in macaamiisheeda ay guryahooda loogu geeyo Gaasta iyagoo ku soo dalbandoona HAB ON LINE AH (ONLINE SYSTEM) oo ay iska kaashanayaan Shirkda Dhaweeye Delivery oo iyadu fududayn doonta hawshan.

Haddaba xafladda furitaanka habkan casriga ah ayaa waxaa si rasmi ah loogu daah furay madal aad loo bilay oo ka qabsoontay COSOB MALL gaar ahaan hotel Aaran.

Xafldan waxaa  ka hadlay  Guddoomiye ku xigeenka Shirkadda SOMSAG ahna Madaxa Waaxda Hawgelinta iyo Iibka Mudane Siciid Xuseen Yuusuf (Siciid Cadaanwayne) oo halkaas ka jeediyey hadal nuxurkiisu ahaa muhiimada uu adeegan ONLINE-KA ee ay isla kaashanayaan Shirkada SOMSAG iyo Shirkadda Dhaweeye u leeyahay macaamiisha Shirkada SOMSAG oo iyagoo gurigooda jooga ay ka dalban karaan Gaasta Mobilkooda iyagoo App-ka iyo USSD-ga Dhaweeye oo markiiba ku dhicidoona Xarunta Shirkada Somgas ee ugu dhaw  amaba kutaanka ugu dhow oo gaadhiga Dhaweeye si fudud guriga ugu keeni doono hanta buuxda kana soo celindoono hanta madhan iyadoon macmiilka la saarayn culays maaliyadeed oo dhiba.

Waxaana uu Mudane Siciid khudbadiisa ku soo afmeeray ugu adeega iyo daryeelka maciilku sida ugu wanaagsan waa hadaf iyo himilada leh mudnaanta koowaad ee Shirkada Somgas.

Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirkada Dhaweeye Muddane C/qani Axmed Maxamuud oo isna aad ugu dheeraaday adeegan Gaasta ee ay shirkadoodu gaadhsiindoonto Macaamiisha Shirakadda SOMGAS iyadoo la isticmaalayo habka ONLINE-KA ee Dhaweeye oo labada Shirkadood u soo korddhin doona sumcad iyadoo ay macaamiisha gaasta dalbanayaa  si fudud loogu geynayo gurigooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here