Xurguftii Siyaasadeed Ee Saxaabada: Muqadisnimada Mabaadii’da Ayaa Ka Mudan Meeqaamka Ashkhaasta (Qaybta 2aad): – Qalinka: Prof. Axmed M. Ismaaciil

0
935

Dhuuxidda sooyalku waa in uu ruuxu fahmo hawlqabad wal oo bulsho yeeshay; caqli iyo cudud xoogsi ah ba, taariikhdu waa maxsuulka tajribada dadku soo sameeyay, taas oo ku xidhan goob iyo goor cayiman, sidaas awgeed hawlqabkaasi waa is dhalan rogi karaa haddiiba tijaabadaasi gedgedoon ku soo biiro, ama tajribo hor leh oo ka ga habboon middii hore uu aadamahu abuuro.

Ummad wal oo ku dedaasha in ay aayahooda hagaajisato, la ga maarmaan ayay u tahay in ay dhuuxdo sooyaalkeedii soo taxnaa, iyada oo aan ka tegahayn dhaqankeeda iyo qiyamka u goonida ah. Ummadda muslimka ah baa cugsata oo ku tiirsan Waxyiga, sidaas oo kale na leh dhaxal culus oo taariikheed, si wacanna u ga ilsugata sooyaalka hodanka ah ee u keydsan. Hadaba, saddex amuurood ayaa ay tahay in ay ogaadaan ummaddu:

– In ay ka la teedaan; Waxyiga iyo Sooyaalka; Kitaabka munasilka ah iyo Sunnadda Rasuulka SCW kuwaas oo ruuxa muslimka ah seeteeya, iyagaa na xidha oo xuduud u yeela qofka muslimka ah. Tajribadda taariikheed na waa tiir uu ku xisaabtamo qofka muslimka ah, se aanu ka dhigan miisaan uu ku bardaamiyo iyo asal uu ku dhiso nolosha iyo aayahiisa oo marjac u ah.

– in ay ka la areerimaan; Mabda’a iyo wasiilada sooyaalka loo soo maray, in aan wasiilo keli ah oo waah waxtar ahayd noqon mid la gu tudh yahay, ama dheggan yahay keligeed uun, in la garto in wasiilada (jidka) la cusboonayn karo iyada oo aan mabda’a la badhxahayn ama maydhaamahayn.

– in la ka la sooco meeqaamka shakhsigaa iyo muqadasnimada mabda’a. Qofafku, ku dhaqanka mabda’a ama shareecada ayaa ay ku helaan meeqaamka iyo qaameerka, haddii uu qaddarinta mabda’u wiiqmo ama dadka uu dabool ka fuulo oo ay fahmi kari waayaan, ruuxaasi waa uu ka weecdaa maqsadkiisii. Bar bilowga umad waliba waa sooyaalkeeda, muhimad gaar ahna waa uu u leeyahay ummadda, sidaas ayaa ay la ga ma maarmaan u tahay in sooyaalka loo dhuuxo, oo si qoto fog loo fahmo, waayo, mabaadi’da, wasiilada iyo meeqaamka shakhsiyaadka ayaa isku murga, u gu dambaynna faca iman doona ayaa ay ka noqotaa wasiiladii iyo dadkii wadayba kuwo muqaddas u ah, sida mabaadi’da oo kale. Tusaale aan dheerayn aan u soo qaato taariikh qof waliba dhuuxi ogyahay; bilowgii sooyaalka Soomaaliland ayaa la soo noqoshada madaxbannaanidu ahayd ‘Wasiilo’ la gu baadi goobayay in caddaalad iyo sinnaan bulshadu ku gaadho. Raggii siyaasadda hormuudka ka ahaa waahgaas; Maxamed X. Cigaal iyo Cabdiraxmaan A. Cali si isku faham dhow ayaa ay u rumeysnaayeen in Ayaan uun Soomaali ay dib isu gu iman doonta. Jiilkaasi waa hoydeen, se siyaasiyiintii sooyaalkaas dhaxlay baa u fahmay in wasiiladu mabda’a tahay, iyada iyo raggii bilaabay ba si waa qaddisaan.  Hadaba, si aan u beerno faham saafan oo sooyaalka ummadda islaamka aynu ka haysanno, iyo weliba jiilkii u horreeyay ummaddan, waa in aynu si isu dheelitiran u soo gudbinno khilaafkii siyaasiga ahaa ee facii koobaad ee ummaddan muslimka ah soo dhexgalay; Saxaabadii Allaah raali ha ka ahaadee.

Asaraartanka tusmo iyo tusaale

Dadyow badan ayaa rumaysan in xidhiidh qoto dheer uu ka dhexeeyo nolosha aadamaha oo la gu dhiso shareecada iyo fahamka waciyaga sooyaalka ummaddeed. Qof wal ba musawir maskaxeed oo uu noloshiisa ku hago ayaa uu gosha ku haystaa. Haddaba, saddexdan tiir ayaa ay ka unkan tahay middaasi:

* Tusmo korreysa, waa in uu qofku Mabaadi’da u gu dhaqmo hannaan noloshiisa oo idil sees u ah, Shareecadu na ay hab dhaqankiisa ku bineysan tahay.

* Tusaale, waa in uu jiro ruux uu ku daydo -muunad- (modle) ama shakhsiyaad noloshooda diinta ku yagleelay, iyagu na sidaas muunad u gu ahaaday ummada inteedii kale.

* Hillinno guuleystay, waa marinno ay shakhsiyaadka diinta islaamka u hiiliyey u raaceen guusha, sidaa na ku aflaxay. Se ay dadyow kale u iisheen in dariiqaasi ama (Wasiiladaasi) keligeed uun la gu liibaanayo, surin kale oo bannaani aanu jirin.

Diinta iyo ku dhaqanka diintu waa kala nooc, haddii ku dhaqanka diinta ee bulsho ay korodho, si na ba diin ama mustawe diimeed oo heeggaa bannaan ah ma gaadheyso. Waayo diintu waa nusuus sugan oo saxan, gedgeddoon ammineed, goobeed iyo gumaro adduunyo midkood na ku ma xidhiidhsanaato.

Sooyaalka aadamaha la ma arag, la ma na maqli doono in ay Tusmo isu geddiso Tusaale, qudrada basharka ayaa ay ka baxsan tahay arrinkaasi. Waa ay adag tahay in shakhsiyadda habdhaqanka diimeed leh iyadu ay Diin noqoto. Diintu waa hannuun rabbani ah oo dhammays ah, se ku dhaqanka diintu waa tacab basharku kasbadey oo dhantaalan.

Sideedaba dadka oo idil ma ay wada gaadhin buseyl ay ku kala miidhaan Diinta iyo shakhsiga xambaarsan, Diinta iyo marinada loo raacey ee wakhtiyada badan soo jirey. Kala soocid waagaasi waa ka beeray in Diinta iyo Wasiilad ba la qofeeyo, waa bukaan weyn oo dhaliya in ay qofka u kala miirmi waayaan mabda’a xaqa ah ee shareecada iyo qofka uu ku dayanayo ee diinta ku dhaqmay. Qofkaa bar bilowgii adiga tusaale kuu ahaa si wal oo uu u weyn yahay ama u fadli badan yahay waa bashar aan macsuum ahayn, gef iyo kama’a ba geysan kara, sidaa si u eg ayaa wasaa’isha liibaanta keentey bilowgii na ay ku taxan tahay ammin iyo goobo ka la fogaan badan. Haddii ay wasiilo ammintaa hore libin keentay, ka ma dhalanayso in ay wakhti xaadirkanna guul dhalinayso ama mustaqbalka ku qurxoontahay.

Cudurka qofeynta ee mabda’a iyo wasiilada waxa ka beerma la ba xanuun: Isla weyni (Jabariya) iyo keni adeyg (Jumuud). Jabarinimo waa in uu qofku rumeysan yahay in sooyaalkii soo taxnaa uu yahay dhoobo engegtay, in aanay sinaba u suure ahayn in is bedel ama doorin la gu sameeyo, wax waliba sidaa ay ahaan jireen ay ahaanayaan, ahaanna doonaan iyo in aanay jirin ba sidaa ay xaajadu ahaan jirtey, cayn kale oo ka door roon ba. Taasi ayaa sababtey in loo faruur xidhnaado sooyaalkaas oo nolosha maanta jirta la gu saleeyo, sidaas oo kale na la awdo in damac wal oo la gu baadi goobi lahaa in saxitaan ama dib u eegis la gu sameeyo taariikhdaas iyo waayahaas soo jireenka ahaa. Jumuudka ama keni adkaantu waa dammiinimo iyo dhoy beel uu qofku ka haysto wasaa’ishii libinta keentay dura iyo samaan fog oo hore, kaas oo aan ammintan xaadirka ah ku suubanayn, aayaha mustaqbalka na aan wax ba ka tari karahayn. Arrintaasi waxa ay dhalisay in Mabda’ii iyo Diintii nolosha hagi lahayd ah ay shaqadeedii gaabiso, dib u dhac iyo habsaanna ku soo biiro sidii ay nolosha u jihayn lahayd.  Marka la ga hadlayo xukunka iyo siyaasadda ku dhisan shareecadda iyo Mabaadi’da islaamka, ma aha uun in la ga warramo ; Cadaaladda, Beycada iyo Shuurada (Talowadaagga), waa se mid u baahan in si gun fog loo gorfeeyo sooyaalkii iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martey siyaasadda ummadu, in la fahmo cabbirka ay u jirtey mabda’a iyo sooyaalaka umadda dhowaansho ama fogaansho. Sida mudan ayaa ah in xukunka iyo siyaasadda loo la noqdo facii koobaad ee sooyaalka muslimka bilaabay, filkaas ayaa ah marjaca iyo asalka umaddan ay miisaanka ka yeelato.  Dhibka yaalla ayaa ah in qof wal oo doona in uu caddaalada iyo saami qaybsi ga dawladeed faaqido, in ay is waajahayaan axad maqiiqan oo qofeeya xaajada, kaas oo difaaca dadyowgaa facaa hore ee meeqaamka korreyay iyo eexdii ay eheladooda ama qaraabadooda u gu lingaxeen siyaasaddii iyo xilalkii dawladnimo ama maal ba ee waahgaas.

Sidoo kale, haddii uu shakhsi ka sheekeeyo in ay ummaddu xaq u leedahay xulashada hoggaankeeda u na doorato mansabka uu hoggaamiyahaasi u qaban karo. Qaar uun baa ku la diriraya af iyo addin ba, iyaga oo ku asaraartamaya falkii ay yeeleen qaar ka mida ahaa jiilkaa meeqaamka weynaa oo ubadkoodii dhaxaltooyo u ga dhigay xukunkii iyo siyaasaddii ummadda. …..La Soco Qaybta 3aad oo xiiso badan 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here