Washington (Foore)- Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa qalinka ku duugay amar ku saabsan in la ilaaliyo taallooyinka dalkaasi, isaga oo amar ku bixiyey cid kasta oo taallooyinka dalkaasi waxyeella u geysato ay muteystaan xabsi.
Wuxuuna sheegay cid kasta oo waxyeelleyso taallooyinka astaanta u ah dalka Mareykanka caddaaladda la horgeeya “sharcigana la mariyo”.
Mr Trump wuxuu sida oo kale uu amar ku bixiyey in la hakiyo miisaaniyadda la siin jiray hay’adaha caddaaladda deegaanka iyo waaxaha booliska ee ku guul darreystay iney falalka lagu burburinayo tallooyinka ay ka hortagaan.
Taallooyin dhowr ah oo ku yaalla dalka Mareykanka ayaa dhulka la soo dhigay kaddib marki ay boolisku dileen ninki madowga ahaa ee aan hubeysneyn, George Floyd.
Madaxweynaha ayaa amarkaasi bixiyey Jimcihi gelinki dambe isaga oo ka noqday safar u qorsheysnaa oo uu ku tagi lahaa New Jersey, wuxuuna Twitter-kiisa uu ku soo qoray inuu Washington DC uu ku sii nagaanayo “si uu u xaqiijiyo sharci iyo kala dambeyn”.
Amarka uu madaxweyne Trump bixiyey ayaa dhigaya: “Qaar badan oo ka mid ah qaswadayaasha, ololayeyaasha, iyo xag-jiriinta garabka bidix ee fuliya isla-markaana taageera falalkaas waxay u fakaraan sida Marxism – kuwaasoo ku baaqaya burburka nidaamka dowladeed ee Mareykanka.”
Wuxuuna mudaharaadayaasha uu ku eedeeyey “taariikhdeenna iney jahwareer ku hayaan”.
Amarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya kaddib marki mudaharaadayaasha dalbanaya cunsuriyadda caddaalad in la mariyo ay dhulka soo dhigeen mid ka mid ah taallooyinka caanka ah ee dalkaasi Mareykanka oo ku yaallay San Francisico.
“Shaqsiyaadka ama hay’aduhu waxay xaq u leeyihiin iney si nabad ah ay mudaharaadaan balse xaq uma laha iney burburiyaan taallooyinka” ayuu ku yiri amarka uu Trump bixiyey.
“Shaqsiyaad ama kooxna xaq uma laha iney waxyeelleeyaan, burburiyaan ama ay dhibaateeyaan.”
Wuxuuna carrabka uu ku dhuftay ciddi fal ay ku burburineyso taallooyinka qaaddo ay muteysaneyso ilaa iyo 10 sano oo xabsi ah.
Wuxuuna amarka uu madaxweynaha bixiyey uu ku sheegay hay’adaha sharci fulinta ee ka gaabiyey iney ilaaliyaan taallooyinka astaanta u ah dalka Mareykanka iney la kulmi doonaan dhaqaalaha oo laga joojiyey.
Sida oo kale Waaxaha Booliska ee ilaalin waayey taallooyinka in waxyeella loo geysto waxay sida oo kale la kulmi doonaan dhaqaalaha ay maamulka Trump ka heli jireen laga joojiyo.
Wuxuu sida oo kale madaxweyne Trump uu sheegay cid kasta oo “waxyeelleysa, dhaawacdo ama burbur u geysto astaan diimeed” ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Taallada Christopher Cloumbus ee ku taallo St Paul, Minnesota oo ay mudaharaadayaal dhulka soo dhigeen
Mudaharaadyada ka socday dhammaan dalka Mareykanka ee ka dhashay dilki ay booliska bil ka hor u geysteen George Floyd, waxaa lagu bartilmaameedsaday taallooyinka la rumeysan yahay iney midab takoorka iyo cunsuriyadda xidhiidh la leeyihiin.
Madaxweynaha Trump oo difaacay taallooyinka dalka ay ku tilmaamay iney yihiin taariikh ma guurta ah oo uu Mareykanka leeyahay.
Taallada Christopher Columbus, oo qarnigi 15-aad noolaa oo qaybta ka ahaa guumeysigi waddamada Yurub qaarkood loo geystay ayey mudaharaadayaashu si gar ah u bartilmaameedsadeen.
Madaxda iyo hoggaanka deegaannada qaar ayaa qaday tallaabbooyin ay ku qaadayaan taallooyinka noocaasi ah.
Horraanti bishan, barasaabka gobolka Verginia Ralp Northam ayaa shaaca ka qaaday taallada loo dhisay General Robert E Lee oo taagneyd caasimadda gobolka ee Richmond in dhulka la soo dhigay.