Addis Ababa (Foore)- Booliska caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegay budhcad hubeysan iyo booliska caasimadda Itoobiya in ay rasaas ay isweydaarsadeen, halkaasina uu hal qof ku dhintay hal qofna uu ku dhaawacmay.
Boolisku waxay sheegeen budhcad hubeysan oo ka koobnaa siddeed xubnood iney weerareen isla-markaana ay dhac u geysteen guri ay degganaayeen muwaaddiniin u dhashay dalka Shiinaha.
Guriga ay budhcadda dhaca u geysteen oo ku yaallay xaafadda Ruwaandha ee magaalada Addis Ababa waxaa markiiba soo gaadhay qaar ka mid ah booliska Federaalka dalkaasi.
Boolisku markii ay budhcadda u sheegeen iney isdhiibaanna ay raggii budhcadda ahaa diideen isla-markaana ay boolisku rasaas ku fureen sidaasina ay labada dhinac ku dhex martay israsaaseyn in muddo ah socotay.
Waxaana halkaasi lagu dilay mid ka mid ah raggii budhcadda ahaa, mid kalana lagu dhaawacay iyada oo ay 6 ka mid ah budhcaddana boolisku gacanta ku dhigeen.
Mid ka mid ah budhcaddii hubeysneyd ee dhaawuhu soo gaadhay waxaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa.
Boolisku wuxuu intaa ku daray raggan budhcadda ah ee ay gacanta ku dhageen falal budhcadnimo oo noocan ah iney xaafaddo badan oo ka mid ah magaalada Addis Ababa ka geysteen.
Iyaga oo adeegsanaya dharka booliska iyo gaadiid kala duwan, booliskana in mudda ah ay ku raad joogeen.
Israsaaseyntii shalay gelinkii dambe dhex martay booliska iyo burcadda hubeysneyd waxay khalkhal gelisay iisu socodka xaafadda dhibka uu ka dhacay.
Mid ka mid ah shacabka ku nool goobta uu dhibku ka dhacay wuxuu BBC u sheegay iney weligood wax noocani ah la kulmin oo ay tahay arrin ugub ah.
Hase yeeshee, booliska wax faahfaahin ah kama bixin qasaaraha soo gaaray dadki ajaanibta ahaa ee ay burcadda weerareen iyo booliski howlgalka fuliyey midna.
Magaalada Addis Ababa ayaa lagu tirayaa iney ka mid tahay magaalooyinka ugu Nabdoon Afrika balse sanadihi u dambeeyey xaaladdeeda amni ay sii xumaaneysay.