Soomaaliya Oo Caddaysay Sababta Ay Ugu Kala Hiilisay Masar Iyo Itoobiya Iyo Dalka Ay Raacsan Tahay

0
857

Muqdisho (Foore) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay sababta ay Soomaaliya u diiday qaraarkii  ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta, islamarkaana ay ula safatay Itoobiya.

Cawad ayaa sheegay in dowladda federaalku ay qaadatay go’aankaasi, iyada oo eegeysa danaha gaarka ah ee darisnimada iyo saaxibtinimada labada dal.

Wasiirka ayaa xusay in wixii dhibaato ah ee soo gaara Itoobiya ay sidoo kale soo gaadhayaan Soomaaliya, oo aanay dalkooda wax dan ahi ugu jirin khilaafka ka dhexeeya dalalkaasi.

“Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya soo gaadha annagana wuu nasoo gaadhayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara.” ayuu yidhi Mr. Cawad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mowqifka ay qaadatay dowladdda federaalka ay la qabeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Qatar.

“Annaga mowqifkayaga oo ay nala qabeen dalkalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Qadar -wuxuu ahaa in khilaafka ku saabsan biyo xidheenka ay dhiseyso Itoobiya oo ay isku waafaqi la’ yihiin Masaarida iyo Suudaan in lagu dhammeeyo wada hadal. Qaraarka ay Masar soo bandhigtay wuxuu dhigayay in Itoobiya aanay buuxin karin biyo xidheenka illaa laga heshiiyo. Dowladda Itoobiyana heshiis way oggoshahay laakiin waxay diiddan tahay in waqti lagaga dilo wadahadal dheeraanaya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirku.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey xiriirka Soomaaliya ay la leedahay wadamada gobolka sida Itoobiya iyo Eritrea, waxaana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u socday wada-hadallo saddex geesood ah ay yeelanayeen madaxda dalalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here