Ragga Xaasaskooda Garaaca Oo Diiwaankooda La Keydinayo, Haweenay Kasta Oo Guur Doon Ahna U Sahlaya Inay Hesho Nin Aan Gabdhaha Garaacin

0
1093

Beijing (CE)- Magaalo ku taal bariga dalka Shiinaha ayaa soo saaraysa diiwaan haweenka doonaya in ay guursadaan u ogolaanaya in ay iska hubiyaan shakhsiyadda ninka ay guursanayaan, gaar ahaan in uu yahay nin dumarka u gacan-qaada iyo in kale.

Magaalada Yiwu oo ka tirsan gobolka Zhejiang, ayaa billaabaysaa adeeggaasi baadhitaan oo dadka magaaladaasi ay heli doonaan laga billaabo 1-da bisha July.

Barta intarnedka ee wargeyska caanka ah ee The Paper ayaa lagu sheegay in dumarka isu diyaarinaya guurka ay dhawaan heli doonaan foom ay tahay in ay buuxiyaan, si ay u ogaadaan in ninka ay guursanayaan hore loogu yaqiinnay in uu dumarka tacaddiyo u geysto sida in uu garaaco iyo wixii la mid ah.

Dumarka xogtaasi doonaya ayaa u baahan oo kaliya in ay la yimaadaan aqoonsi rasmi ah iyo macluumaadka qofka ay doonayaan in ay guursadaan ee ay tahay in ay taariikhdiisa dib u baaraan.

Haweeneydii guurdoon ah waxaa sanadkiiba loo oggol yahay in ay baadho xogta laba nin oo kaliya.

china

Zhou Danby oo xubin ka ah ururka haweenka ee magaaladaasi ayaa soo dhaweysay tallaabadaasi, waxa ayna sheegtay in arrintaasi ay dadka magaaladaasi ka caawin doono sidii ay uga badbaadi lahaayeen rabshadaha ka dhaca guryaha.

Danby ayaa wargeyskan The Paper u sheegtay in xogtan diiwaanka rabshadaha ka dhaca guryaha lagu keydin doono macluumaadka ay soo gudbiyeen maxkamadaha iyo laamaha amniga dadweynaha laga soo billaabo sanadkii 2017.

Wargayska China Daily ayaa sidoo kale sheegay in arrintaasi uu aad u soo dhaweeyay, Han Jin, oo ah bare-sare oo ku takhasusay sharciga, waxa uuna sheegay in “hannaankaasi uu ilaalinayo xuquuqda qofku u leeyahay in lagu wargaliyo shakhsiyadda qofka kale ee uu doonayo in uu guursado ka hor inta uusan meherka dhicin “.

Dadka qaar ayaa doonaya in nidaam noocaasi oo kale ah laga dhaqangeliyo guud ahaan dalka Shiinaha, waxaana dadka qaar ay doonayaan in diiwaankaasi lagu soo daro tacaddiyada loo geysto carruurta ee sida garaacidda oo kale.

china

Sanaddadii la soo dhaafay waxaa dalkaasi Shiinaha ka jiray dalab ah in la shaaciyo isla markaana lala xisaabtamo ragga xaasaskooga ama gabdhaha ay guursan rabaan u gacan-qaada.

Wixii ka horreeyay sanadkii 2001, gacan-qaadka iyo garaaca dumarka ma ahayn wax sababi karaya in haweenku ay dalbadaan furriin. Balse bishii Maarso 2016 ayaa la mamnuucay rabshadaha lagula kaco dumarka, gaar ahaan kuwa ay raggooda kula kacaan.

Bishii la soo dhaafay waxaa sii kordhay cabsida laga qabo dhibaatada raggu xaasaskooga ugu geystaan guryaha ka dib markii dowladda Shiinaha ay adkeysay furriinka lamaaneyaashu, waxa ayna soo saartay sharci cusub oo dhigaya in lamaanaha uu khilaafka soo kala dhax galay ay sugaan muddo 30 maalmood ah ka hor inta aysan codsan furriin.

Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa wlaac ka muujiyay sharcigaasi, waxayna sheegeen in ay suurtagal tahay in 30-ka maalmood ka dib haweenka qaar lagu khasbi karayo in ay nimankooga ku noqdaan, arrintaa oo sida ay sheegeen keeni karayso in dumarku ay u suurtagali weydo in ay ka hadlaan tacaddiyada ay kala kulmayaan raggooga.

Sharcigani oo dhaqangeli doono billowga sanadka 2021, ma ahan mid khuseeyo lamaaneyasha ay horey uga dhex jirtay dhibaatada, haseyeeshee waxaa jira walaac ah in tacaddiyada qaar ayba adag tahay in la ogaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here