Xurguftii Siyaasadeed Ee Saxaabada: Muqadisnimada Mabaadii’da Ayaa Ka Mudan Meeqaamka Ashkhaasta — Diyaariye: Prof. Axmed M. Ismaaciil

0
324

Dhiganahan ayaa ka faalloon doona Fiqiga Siyaasadda iyo fahamka waaqaca sooyaalka ummadda muslimka ah, qoraaga buugga ee Maxamed Mukhtaar Shiqiidi ayaa aan isku dirqiyin in uu si waafi ah oo gudo weyn u galo xurguftii siyaasadeed ee saxaabada dhex martey.

Dhiganahan ayaa Mashaayiikhda; Raashid Al Qannuushi iyo Yusuf Al Qaradaawi ay gogol dhig qurux badan u sameeyeen, culimadaas aayaa qiray sida qoraagu uu ugu dhiirraday marin dhib badan, dareenno iyo xasaasiyad faro badanna ay ku gedaaman tahay, weliba u soo gudbiyay si hufan oo fidmo la’ mawduucaas.

Qoraaga buugga ayaa xoogga saaray sidii faham saxan looga qaadan lahaa sooyaalka muslimiinta, si aayaha ummadda loogu faa’iido. Waa dhigane baraarujinaya in badan oo dhimir gaaban, toosinaya dadka dhoyga la’ , sidoo kale na saxaya kuwa kas xumayaasha ah.

Dhiganahan Af carabiga ku qoran ayaan u doortey in aan soo gudbiyo, isaga oo koobkooban, islamarkaana aan idinla wadaago hummaagga weyn ee gollihiisa ku duugan; si ay u fahmaan dad aan af-qalaadka macrifo ku kasban karin iyo si looga hortago duufaanka hirdanka ah ee Soomaalida waqeed aanay u arag, ee innagu bilowday oo ah in ay Sunni iyo Shiico u murmaan, iyo in ay laba gebi u kala saftaan; qolo Saxaabada carrabka ku dhibtey iyo qolo darafka kale joogsatey oo Saxaabada Nebiyada la faylamiyey. Intaa waxa raaca in siyaasadda Soomaalida ee sal dhigi la’ ay faham ka dheegato, sida sooyaalka umadeed u noqdo xaajo cibro ee aanu u ahayn asal wax lagu bineeyo.

Qormooyinkan ayaa akhristuhu ka korodhsan doonaa in ay u kala miir dillaacdo; Fahamka sooyaalka ummadda (Wacyiga taariikhda), mabda’a (Diinta) iyo in uu fahmo axkaamta siyaasadeed, iyo nidaamka soo jireen ee ummadda muslimka ah.

Qoraaladan ma noqon doonaan turjumaad eray iyo eraygii ah, ee dulucda oo urursan ayaan idinla wadaagi doonaa. Ma na jirto cid ama jiho kale oo igu riixdey in aan qoraaladan daabaco, se, si ebyoon uun baa aan u hindisay in aan bulshada uga faa’iideeyo dhiganahan hal muceedka xambaarsan, si weyn ayaa aan u ga taxadari doonaa in aan macnaha rasmiga ah ee dhiganaha wiiqo, tuuro , geesmaro ama aan dhantaallo.

Araar

Dhigaalka iyo sooyaalka ummadeed waa duruus laga barto nolosha, si ay hogag tusaaleyn ugu noqoto jiilasha mustaqbalka imanaya. Haddaba qormooyinkan ayaan dib u daalacasho -Review- u gu eegay dhiganaha gorfeeyay sooyaalka fahamka siyaasiga ah ee Muslimiinta, iyada oo aynu diiradda ku liishaami doonno taariikhda murggan ee nolosha qof wal oo muslim ah ba raadeysay.

Sida mashaayikhdu tibaaxdey, qalimo fayow, oo ka bed qaba Jahli iyo dulmi, qalimo cilmi iyo caddaalad qoraya ayaa aynu ku dheehan doonnaa Sooyaalkan. Qalin daraalahan ayaa si dhawr la’ u tafniidi doona dhacdooyin in badan oo bulshada muslimka ah ay xasaasiyad ka qabaan xuskeeda iyo soo hadal qaadkeedaba; waa taariikhda abuurtay in muslimku uu u kala calool go’o labo dariiqo: Shiico iyo Sunni. Soomaalida ayaa ku maahmaahda; “Awr kala guurtey waa la arkaaye, Uur ka la guurey baa u daran”

Sooyaalku waa dhacdooyin uu bashar faley ama sameeyay, waa mid u baahan in aan lagu dhugan indho u janjeedha Mad-hab ama Aydhoolajiyad, sidaas si la mid ah waa in aynu socomidhaynno, oo kala saarno meeqaamka qofka iyo mabda’a asalka ah ee shareecada. Siyaasaddu waa nolol adduunyo, in la gu kala aragti duwanaado iyo in ay u baahan tahay fiqhi ama faham gun fog waa xaqiiqo sugan. Caynkaa oo ay tahay waa in la garawsado in damacu uu yahay diraha ugu weyn ee qof kexeeya, mansab iyo kasab ka uu doono ha ku raadinayo damacase.  Khilaafkaa siyaasadeed ee ka dhex aloosmay bulsho-weyntii Muslimka ahayd; facii koobaad ee wanaagga badnaa, waa ismaandhaaf siyaasadeed oo beeray dirir adhaxda lagaga jabay oo riiq dheeraatay, waa dagaal ay ku qudh baxeen in ka badan toddobaatan kun oo Saxaabadii fadliga weynaa ahaa. Dagaalladii xilligii Rasuulku SCW noolaa dhacay oo 27 dagaal ahaa kuma ay dhiman tiradaa in le’eg, badhkeed na xataa, iyo weliba dagaalladii gaadmooyinka ahaa ee dhex socday Cah-digii Nebiga NNKH. Xurgufo Siyaasadeed iyo colaado ayaa markii koobaad ummadda muslimka ah labo u kala qaaray, iyaga ayaa ay ku kala qaybsameen, sidaas ayaa ay fariiqooyinku u bilowdeen sooyaalka bulshada ee muslimka ah.

Saxaabadu waa aynigii koowaad ee ku soo barbaaray gacmaha Rasuulka SCW. Waa jiil fariiddo ah, – sida uu Sayid Qudbi ku sifeeyay- samada ayaa la ga soo boqray, dad goonni ah oo xul ah oo Madarasaddii Nebi Muxamed SCW ka aflaxay baa ay ahaayeen, koox liibaantay oo Qur’aanka ku dhaqantay, isaga oo daray ah , duul noloshooda u bixiyey, maalkoodana u huray Jihaad qadhaadh baa ay ahaayeen. Saxaabada ayaa soo jibaaxay nolol qallafsan, saxariir, kadeed iyo dhib leh, taas oo ay u soo mareen dacwadda islaamka iyo fidinteeda ba, waa dadka Muuminiinta Allaah ee uu ku sifeeyay Qur’aankiisa:

“Iyaga uun baa ah kuwa Allaah iyo Rasuulkiisa rumeeyay, ee aan kaba shakiyin, Allaah daraaddii naf iyo maalba ugu dirirey, kuwaas uun baa iyagu runlow ah” (Al-xujuraat 15).

Waa jiilka Allaah uu Qur’aanka si guud iyo cayn gaargaar ah ba ugu ammaanay, Muhaajiriin iyo Ansaar ba kaga warramay si guud, caynkaas oo kalena uu Muhaajiriin iyo Ansaar galladooda dheeraadka ah ee ay leeyihiin uu gooni ugu xusay.

Allaah ayaa Qur’aanka kaga warramay Saxaabadii dagaalkii Beder joogay ee iyaga oo tun iyo tiro yar uu u hiiliyey, guusha na raaciyey, sidaas oo kale iyadana dirirtii Uxud ee qaar Saxaabda ka mid ah ay ku badhi fureen ballantii Rasuulka SCW , kuwa kale na ay dhabar jeediyeen ee haddana Allaah uu ku galladday cafigiisa.

Saxaabadu waa jiilka uu Qur’aanku ka warramayo ee duullaankii Axsaab iyo heshiiskii baycatu Ridwaan. Saxaabadu waa Jiil darajooyin iyo martabado kala sarreeya leh, waa fac barakeysan oo qiimi weyn, Naf iyo maal ba diinta iyo jidkii ay ku guuleysan lahayd u soo hurey.

Saxaabadu waa ayni ay mustaxiil tahay in dhaayahu ku indho kuushaan oo ay dunidan dib u soo maraan mar kale.

Dr. Qaradawi oo gogoldhigga labaad u sameeyay dhiganaha ayaa xusay sida ay dadka muslimku ugu qaybsameen qaddiyaddan khilaafka Saxaabada.

  1. Koox ayaa ka rajo dhigay Saxaabadaas diriray, iyaga juhdigoodii, Jihaadkoodii ay diinta u soo galeen iyo tacabkii ay Rasuulka SCW la garab joogeen ba waa ay hilmaameen kooxdani. Qolada wadiiqdan qaaddey male xumo ah baa ay ka suureysteen Saxaabada, cudur daar yarna uma ay sameyn, in uu Ijtihaad sharcigu ogol yahay oo gedgeddoonka adduunyada ee jira ay ku eegayaan na uma ay arkin, doorsoonka nolosha ee uu Rasuulku SCW yidhi: ” Umuuraha adduunyadiina idinka ayaa u aqoonin ah”. ma ay tixgelin
  2. Kooxda labaad iyagu u ma arkaan in cidiba Saxaabada ay ka gefeen, hab-dhaqan wal oo dhacayna marmarsiimo ayaa ay u dayeen, walow ay gef caddaan ah tahay, sidaas na ay difaac keeb la yuurur ah la soo fadhiisteen. Se, iyagu waxa ay rumaysan yihiin in aanay Saxaabadu ma gefayaal ahayn (Macsuum), taas oo Ahlu Sunna Waljaamaca uu ku mideysan yahay, iyo in Rasuulka SCW uun uu basharkan Macsuum ka yahay (Ummadda Nebi Muxamed).

Sida Ahlu Sunne qabo tilmaamaha Saxaabadu waa dad “caddaalad” leh, ma jiro qof ka mid ah Saxaabada oo Rasuulka been ka sheega. Haddii aynu doonayno in aan fahamno qaddiyaddan waa in aynu ictibaarino; Asalka shareecada aynu cuskanno ee dhidibada inoo ah iyo dhuuxidda sooyaalka ummadda muslimka ah (Taariikhda).

……….La Soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here