Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Oo U Hanjabay Somaliland Isagoo Dhex Jooga Ciidamo Cusub Oo Militari Ah Oo Tababar Cusub Qaatay!!

0
57

Garoowe, June 22, 2020- (Foore) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Shalay ciidan Cusub oo tababar kasoo baxay xaflad ugu qabtay Magaaladda Qardho ayaa Somaliland ugu soo goodiyay islamarkaana ciidankaasi ku  tilmaamay kuwo Puntland ugu talogashay inay soo xereeyaan Waxa uu ugu yeedhay dhulka ay ka haysato Somaliland.

Madaxweyne Deni oo la dardaarmaya ciidankaasi Shalay tababarku u soo xidhmay ayaa sheegay in Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba uu farayo Dowladda ilaalinta sharafta shacabka. Waxa uu sidoo kale ku dhaliilay Xukuumadda Farmaajo inay isku koobtay Dhaqaalaha Beesha caalamku ku bixiyo dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya iyo sugidda Amniga.

Waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan rajaynayaa ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan inay sugaan xuduudaha Puntland ee Dastuurku nafarayo. Puntland waa astaanta midnimada Soomaaliyeed, Puntland waa astaanta kala dambaynta iyo xasiloonida, maamul wanaagga iyo dowladnimada, Puntland waxay ku naaloonaysaa in dadkeeda nabad ku noolaadaan, deegaanada kale ee Soomaaliyana ay gacan ka geysato”.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso, waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here