Muqdisho, June 22, 2020 (Foore)- Jaamacadda Ummadda Somaaliyeed oo ay xarunteedu ku taal Magaalada Muqdisho, ayaa farac cusub ku yeelatay guddaha dalka Somaliland,sidda uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaaliya Jamaal Maxamed Xasan.
Wasiir Jamaal ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter –ka ku sheegay in Jaamacadda Ummadda Somaaliyeed uu faraceeda cusubi noqonayo Jaamacadda Maakhir ee Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag “ Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan ardayda, waalidiinta, iyo maamulka jaamacadda Maakhir ee Degmadda Badhan Gobolka Sanaag in dadaal iyo shaqo mudo dheer socotay ka dib lagu guuleeystey in ay Jaamacadda Maakhir noqoto faraca Puntland ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.”ayuu ku yidhi Qoraalkiisa
Docda Kalena Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay tahay guul u soo hoyatey dadka ku nool goboladaas iyo dhammaan ummadda Somaaliyeed “Waa guul usoo hoyatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku dhaqan goboladdaas iyaga oo heli doona waxbarasho tayo sare leh, kagana maarmi doona waxbarashadii meelaha fog fog loo aadi jiray.”Ayuu ku sheegay qoraalkiisa
Ugu Dambeyn Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dowlada Somaaliya ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu u mahadcelinayo Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Dowlada Somaaliya iyo cid kasta oo ka qayb-qaadatay arrintaas “Waxaan u mahadcelinaya dhammaan intii ka qayb qaadatay arintan, oo ay ugu horeeyaan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Wasaaradda Waxbarashada Puntland, maamulka labadda Jaamacadood & xildhibaannada deegaanka ee labada aqal ee Baarlamaanka FS.”
Wasiirkan ayaa inta badan dadaal badan ku bixiya sidii uu Deegaammada Sanaag Bari oo uu ka soo jeedo dhalasho ahaan u gaadhsiin lahaa dadaalo dawladdiisa ah mar walbana warbaahinta ka sheega sida uu wax uga qabtay halkaasi.