Hargeysa (Foore) Qorrax Madoobaad ayaa saaka oo Axad ah lagu arkay Magaalooyin badan oo ka tirsan Somaliland, sidoo kale waxa Qorrax Madoobaadkaasi laga soo sheegayaa dalalka ee Mandaqaddan Geeska iyo waliba qaarado kale sida dalalka ku yaalla Bariga Dhexe, taasi oo keentay in Masaajidaddu isla oogsadaan tukashada salaadda Qorrax Madoobaadka ee shareecadu inna fartay markan oo kale.
Culumada Cilmiga Xiddigaha ayaa shalay oo Sabti ahayd waxa ay sii saadaaliyeen inuu Qorrax madoobaad ka dhici doono dalal ka tirsan Khaliijka, Bariga Afrika iyo Qaaradda Asia, iyadoo saaka sidaasi ay khubarada cilmiga hawada sare iyo meerayaashu sheegeen.
Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxa subaxnimadii horeba markii ay cadceeddu soo baxday la maqlayay culimada Masaajidada oo oogaya salaadda khusuuf Al Shamsi ee la tukado wakhtigan xaaladdani dhacdo iyada oo dad badani aanay ogayn saadaasha hore loo bixiyay ayay ku baraarugeen salaadda Masaajidada laga oogayo oo kali ah.
Dhinaca Magaalada Muqdisho dadka ayaa waxaa ay sheegeen inay arkeen qeyb kamid ah Qorraxda oo Madoobaatay, waxaana aad u adkeyd in laga arko Magaalada Muqdisho, maadaana Cirku uu lahaa daruuro waaweyn ama Caad.
Dhacdooyinka Qorraxda ama Dayaxa oo Madow noqdo waa arrin awoodda Rabi ku dhacda, loona baahan yahay inay dadka Muslimiinta ku cibaaro qaataan iyo in la tukado Salaad iyo Taqwada Alla bari ah oo la badiyo xiliyadaas.