Bacaadweyn (Foore)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Ismiidaamin ah oo waaberigii hore ee saaka subaxnimadii hore oo Axad ah ayaa lagu qaaday Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya qeybta 21-aad ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Weerarka ayaa waxaa uu marka hore ka bilowday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay afaafka hore ee Saldhigga Ciidamada, waxaana intaas kadib rasaas farabadan furay Ciidankii halkaas ku sugnaa.
Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay deegaanada Bacaadweyn, isla markaana waxaa weerarka ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee joogay, halka uu qaraxu ka dhacay.
Ugu yaraan saddex Askari ayaa ku geeriyootay qaraxa illaa ina imika la xaqiijiyay, halka saddex kalena oo ka Ag dhaweyd goobta ay dhaawacyo soo gaadheen, waxaana la sheegay in loo qaaday Xarun Caafimaad, waxaana burburay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 21aad ayaa sheegay in Ciidanka ku sugnaa saldhigaas ay ka hortageen weerarka, isla markaana uu jiro Khasaare, ayna degan tahay xaaladdu wakhtigan.
Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaas saaka ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, hayeeshee weerarada noocaan oo kale ee lagu qaado Saldhigyada Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.