Reading (Foore)- Saddex qof ayaa ku dhintay tiro saddex kale ahina waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii lagu toorriyeeyey Baarkin gawaadhida la dhigto oo ku yaalla magaalada Reading, ee dalka Ingiriiska sida ay booliisku xaqiijiyeen.
Nin 25 sano jir oo lagu tuhunsan yahay falkan kana soo jeeda magaalada Reading ayaa loo qabtay weerarka. kaasi oo la sheegay in uu ku fajaaqay Toorrida dad goobtaasi ku sugnaa oo uu la dhacay. Weerarku wuxuu ka dhacay Beeraha Forbury abaarro 7-dii fiidnimo xiliga dalka Ingiriiska ee xalay halkaas oo dhowr qof toori lagu weeraray. Ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa u sheegay BBC-da in ninkan loo qabtay kiiskani uu yahay yahay nin Liibiyaan ah .
Qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay nin dhex maraya dadka oo ku sugnaa beerta isaga oo isku dayaya inuu mindi la dhaco.

Waxaa jira warbixino sheegaya in sarkaal booliis ah uu si dirqi ah ku qabtay tuhunsaha isaga oo isku deyaya inuu baxsado sida laga soo xigtay wargeyska Sunday Mirror. Taliyaha booliska Thames Valley ayaa sheegay inaanay jirin cid kale oo ay ku daba joogaan weerarkan.
Waxa uu intaasi ku daray inaanay haatan dhacdadan u aqoosanayn fal argagixsisonimo ah balse boolisku ay weli baadhitaan wadaan iyagoo taageero ka helaya booliska la dagaalanka argagixisada ee koonfur galbeed dalka Ingiriiska. Booliska ayaa codsaday in qofkasta oo haya muuqaal ama sawir la xidhiidha weerarkan uu soo gudbiyo.

Balse waxaa dadka loogu baaqay inaanay baraha bulshada ku faafinin sawirada iyo muqaallada laga duubay weerarka, hadakan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii baraha bulshada lagu arkayay muuqaallo dhex-wareegaya oo la xidhiidha weerarka.
Booliska Thames Valley ayaa sheegay in dhacdadani aanay la xidhiidhin ololaha nolosha qofka madaw waa muhiim oo mar sii horreysay ka socday goobta ay mashaqadu ka dhacday.