Sheekh Barbaraawi Oo Dhaliilo Culus U Soo Jeediyey Cid Kasta Oo Gacan Ku Lahayd Ninkii Lagu Gubay Duleedka Hargeysa, Farriinna U Diray Dawladda

0
816

Hargeysa, June 20, 2020- (Foore)- Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo ka mid ah cilimada waaweyn ee Somaliland ayaa waxa uu si adag u dhaliilay qorshaha xukuumaddu ugu gubtay ninka Maydka ah ee Ajaanibka ah kaasi oo la sheegay in dhawaan lagu gubay deegaanka Xeedho ee Duleedka woqooyi, Magaalada Hargeysa.

Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo shalay khudbaddiisii salaadda Jimce ee Masaajidka Al Ansaar ka hadlayay waxa uu dhaliilo culus u soo jeediyey cid kasta oo buu yidhi lahayd masuuliyadda gubista maydkaasi oo uu tilmaamay mid aan gabi ahaanba ku bannaanayn sharciga Islaamka isaga oo si gaar ah u canaantay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo uu sheegay in hadalka Masuulka u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ay ka muuqatay in ay dareen ogolaansho ah ka haysteen wasaaradda Diinta taasi oo uu sheekhu ku tilmaamay, go’aan kasta oo Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ku ogolaatay in loo qaadanayo mid fatwo sharci ah oo ogolaansho ah, taasina tahay ta ku kalliftay in uu ka hadlo shalay.

Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) waxa uu gubista Maydka ninka la sheegay in uu Hinduuga ahaa ku sheegay mid aanay shareecada Islaamku ogolayn oo u baahan in xukuumaddu jawaab degdeg ah ka bixiso isaga oo ku baaqay in aanay arrintaasi soo noqon maadaama aanay shareecada Islaamku marnaba ogolayn in dal Muslim ah lagu dhex gubo Maydka qof aan Muslim ahayn.

Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Gubista Maydkaasi arrin qarsoon maaha oo mid dibadda u soo baxday. Warbaahinta iyo dad ka mid ah saraakiisha dawladduna ay ka hadleen. In aan arrintan ka hadlo waxa igu kallifaya hadalka ka soo yeedhay sarkaalka wasaaradda caafimaadka ee arrintan ka hadlay ee uu ku sheegay in arrintaa fasaxeeda in ay bixiyeen Xeer Ilaalinta iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu. Taasi oo macnaheedu yahay mar haddii la yidhi Wasaaraddii Awqaafta ayaa bixisay ogolaanshahaasi. Waa wasaaraddii dalka u qaabilsanayd Arrimaha Diinta. Sida uu u dhigay haddii ay jirto waxa uu macnaheedu noqonayaa Fatwo diini ah ayaa lagu saleeyey. Dadka Muslimiintu maanta way innala yaabayaan oo waxa ay odhanayaan miyaanay meesha culimo joogin, miyaanay dad Muslimiin ah ahayn. Ceeb weyn ayay arrintaasi dal ahaan iyo dad ahaanba innoo soo jiidaysaa. Qofka dhintay haddii uu yahay qof gaal ah oo Muslimiin ku dhex dhintay isagu maamuuska qofka Muslimka ah aaskiisa oo kale ma laha. In lagu tukadaa waa xaaraan. Nabi Maxamed NNKHA ayuu Ilaahay SWT ku yidhi mid iyaga ka mid ah oo dhintay haku tukan. Qabrigiisana ha dul is taagin. In la maydhaana sidoo kale ma bannaana. Waase la aasayaa. Waxa loo aasayaana maamuus la maamuusayo maaha. Bakhtigiisa ayaa dadka laga qarinayaa si aanay dhibaato uga soo gaadhin. Rasuulka adeerkii oo gaalnimo ku dhintay ayuu Rasuulku Cali Binu Abaa Daalib ku yidhi: “Orod oo tag oo ciidda ku rog oo aas”. Ma ay dhicin wakhtigii Nabiga in qof gaal ah oo dhintay. Haddii haddaba qof gaal ah oo marka uu dhinto waxa ay dadkiisu diin ku sheegayaan ay tahay in la gubo oo uu dal islaam ah ku dhex dhinto in loo ogolaado oo ay ku dhex gubaan iyo in loo suurto galiyo oo lagu caawiyaa midna ma bannaana. Waxaanay u bannaanayn gaalba ha noqdee, waxa uu sitaa karaamadii Ibnu Aadamka. Karaamadii Ilaahay Bani Aadamka karaameeyey ayuu wax ka wataa. Markaa in la gubaa ma bannaana. Waa ta labaade, Rasuulku waxa uu diray saxaabadiisa qaar ka mid ah. Waxa uu yidhi hebel iyo hebel haddii aad la kulantaan guba’. Inyar markii ay saxaabadii ka sii socdeen, Rasuulka SCW waxyi baa sida muuqata ku soo degay, waanu u yeedhay, waxa uu ku yidhi haddii aad la kulantaan dila’ balse ha gubina. Waxaanu ku sababeeyey dabka waxa wax ku cadaabi kara Allaha Abuuray oo kali ah. Ma bannaana gaalada waxa astaan diimeed u ah qofka muslimka ahi in uu u suurto galiyo oo ugu kaalmeeyo. Dadka dhintay ee Hinduuska ah iyo kuwa la mid ah dadkooda ay gubaana arrin caadi ah ma aha ee waa arrin astaan diimeed u ah. Sidaa darteed ma bannaana in gacan lagu siiyo arrintaasi sharci ahaanna waa qalad”. Ayuu Khudbaddiisa shalay Ku Yidhi  Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here