Midnimaddii Lixdankii Iyo Maanta: Fariinta Shacabka Iyo Macnaha Soo Dhaweynta – Qalinka: Jamaal Cali Xuseen

0
105

Waa maxay sababta ay shacabka Somaliland si fiican ugu soo baxaan markasta oo waftiga matelaya ee ka soo noqda wadahadaladda Soomaaliya iyo Somaliland, weliba gaar ahaan kolka lagu soo kala kaco wadahadaladda ama aanu nuxur weyni ka soo bixin. Waxaad xasuusataan waftigii Somaliland xiligii Siilaanyo ee Turkiga ka soo noqday weliba markii lagu kala kacay in xoog loo soo dhaweeyey kolkay Hargeysa ku soo noqdeen oo waatii Hargeysi gariirtay. Haddana imika waataad aragteen kan Jabuuti ka soo noqday in si weyn loogu soo baxay iyadoo aan waxbaba lagu heshiinin, oo guul la taaban karo aanay keenin, oo weliba cudurkii Caronavirusku jiro. Laakiin waxaanay weli fahmin beesha caalamku, madaxda Soomaaliya, iyo xataa madaxda Somaliland ayaa jira. Midhkaasina waa in shacabka Somaliland ay yihiin kuwa dabadda ka wadda qadiyadoodda. Kolkaa soo dhaweyntan lagu mashquulay ee lays weydiinayaa waxay dhici karta inay wadato saddexdan fariimood ee hoose:

  1. Mar waa fariin ay u dirayaan beesha caalamka in markasta oo ay wadahadaladu burburaan ama aanay wax nuxur weyni ka soo bixin ay ku farxaan. In masiirkooda mustaqbal ay shacabku gacanta ku haystaan oo walaa beesha caalamka walaa cid kale aanay marnaba mustaqbalkooda go’aan ka gaadhi karin dawlado shisheeye.
  2. Mar waa fariin ay u dirayaan madaxdooda oo marna ay dhiirigelinayaan, marna ay hanjabaadi ku jirto. Iyagoo leh hadaad qadiyadii ka soo hadashay sidan baan kuu soo dhaweynaynaa, hadaad wax kale noola iman lahaydna sidan baanu kuugu mudaharaadi lahayn oo weliba kuugu soo dhici lahayn gurigaaga.
  3. Marna waa fariin ay u dirayaan dawladda Soomaaliya oo ay leeyahiin, walaal qadiyadani maaha mid uu nin madax ahi kuu saxeexi karo. Kuwii Lixdankiina anagaa dabadda ka soo galnay oo midnamadda keenay, kuwan maantuna kuma dhacaan midnimo. Hadaad wixii aan lixdankii kuu keenay aad dafirsan tihiin weli anagoo 30 sanadood idinka maqneyn weli, maanta oo aanay shanti Soomaaliyeed jirin oo ay weliba Soomaaliya sii kala sarifantay, halkayagaasi baan joogaynaa xataa hadaan nala aqoonsan. Mida kale lacag yaroo caawimo ah oo cid kale ina wada siisay haday adiga kula weyn tahay iska haysta.

Inkastoo aanay fiicneyn in xilligan Caronavirusku jiro in ay dadku isu soo baxaan, laakiin haddana caadifadda iyo cabsidda ay qabeen dartood ayaa dadkii isugu soo baxeen. Dhibaatadda jirtaa waxa weeye weli waxaan la yiqiinsan in 2020 aanay ahayn 1960 kii. Berigaa xumad Somaliweyn baa jirtay sababtay Reer Waqooyiguna wax walba bilaa Shuruud walaalahood Reer Koonfureed u siiyeen waxay ahayd in shantii Soomaaliyeed laysku keeno oo ay dawlad noqdaan waana ujeedadda Ugu weyn ee loo midoobay Oo ay Reer Waqooyigu bilaa shuruud Ugu darsadeen Reer Koonfureedka.

Maanta 2020 shantii Soomaaliyeed laysku keeni maayo, Reer Waqooyigu 30 sanadood Oo waaya aragnimo ah bay leeyahiin oo ay iskood isku maamulayeen, qiiraddiina meesha Ma taalo. Hayska itaal daraadan Oo sidii la rabay yaan wax loo soo waddani 30 sanadood bay is xukumayeen.

Waxay arkaan walaalahood Reer Koonfureedka oo weli ka dafirsan wixii ay ku darsadeen weliba iyaga oo maanta weli isu haysta dawlad iyagii ka maqnaa 30 sanadood raba inay wax u yeedhiyaan. Maanta halkay Reer Waqooyigu joogeen 1960 kii koonfur ayaa joogta. Koonfur lixdankii 10 sanadood ayaa dawladnimadda loo tababarayoo runtii way la yaabanaayeen qoladan Reer Waqooyiga ee waalan ee xornimaddii la siiyey iska tuuraysa oo waa kuwii u bixiyey ” Qaldaamiin”, waana sababta aanay waxbaba iskaga tirin.

Dadka qaar waxay ku doodayaan in maanta halkii Koonfur baa taagan oo Somaliland oo dawladnimo dhadhamisay oo aan muraad iyo xiiso u qabin koonfur oo weliba aan nabad ahayn isna sii kala sariftay, welina u hadlaysa sidii lixdankii; ma sabab baa jirta ay waxooda iskaga kala daadiyaan?.

Siday Somaliland u doonaysay midnimo 1960 kii, Maanta Soomaliya uma rabto. Shantii Soomaaliyeedna lamaba hadal hayoo oo Ey baa cunay. Kolkaa sidee bay wax u hagaagayaan. Kolka heshiis (negotiation) la gelaya dhinac baa aad u tanaasula. Tan warba isuma hayso halka ay labadda shacbi kala jooggaan. Cida wadahadlaysaana kolka hore talo weyn kamay soo qaadan shacabkoodii iyo intii ehelu caqliga u ahayd waxay goobta la imanayaan.

Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen

Siyaasi Ahna Aqoonyahan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here