Dubai, June 20, 2020- (Foore)- Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw oo ka mid ah Madax Dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay shirkii ku soo gabo gaboobay Dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti ee la isku soo hor fadhiisiyay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sidoo kalena eedo kale duwan usoo jeediyay Madaxda Somaliland.
Boqor Buurmadaw oo qaar ka mid ah Warbaahinta Khadka Telefanka ugu waramay ayaa waxa uu ugu horayn ka hadlay Wixii kasoo baxay Shirkii jabuuti iyo soo dhawayntii Madaxweyne Biixi ay ku qaabileen Shacabka Somaliland “Wali waxaynu leenahay Cunfigii iyo dabeecadihii Jabhadda, Jabhaddu waxay ahayd iyadoo kun nin la inaga dilay ayaynu laba nin oo madax oo aynu dilnay ku faani jirnay,laakiin Jabhaddu badanaa Khasaaraheeda way qarisaa, markaa soddon sanadood maadaama oo aan jirnay waxa loo baahan yahay inaan taasi ka gudubno”
Waxa kale oo uu yidhi “Dhinaca kale, Siyaasiyiinteenu waxay caam ka dhigteen, shacabkeenu u raxlinayaa oo ay durbaanka u tumayaan inay caayaan cid kasta oo cid inaga xidhan yihiin, iyadoo aynu jabuuti fadhino maanta oo ay danteenii wado, ayaa Jabuuti maalmihii u dambeeyay Hargeysa laga caayay warbaahinta, anigu waanigii ka qaylinayay ee lahaa waar halaga daayo, sidoo kale Farmaajo iyo Raysal Wasaarihii oo yimid oo inala fadhiya, ayaa waftigeenu hadba intuu midi isasoo taago caytamayay oo uu lahaa “dadkani wax lala fadhiisan karo iyo wax wax garanaya maaha”.,
Sidoo kale waxa uu yidhi “Waad arkaysaa Abiye Ahmed Iyo Itoobiya ayaynu Hargeysa ka caayaynaa, inagu waxa weeyaan maxaynu saaxiibo kaxaysanaa, Siyaasiyiinteena hadda joogta ee Curdinka ahi waxay u darban tahay Inay wax caydo oo ay wax aflagaadayso Siyaasaduna waxa weeyi inay saaxiibo kuu keento oo kaad ishaysaan ee cadawgaaga ah aad saaxiibinimo ka dhex dhalin karto”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi “Shirkaasi wax Alla wax kasoo baxay majiro, wixii ay daneeyayaashu doonayeen inay kasoo baxaan kamuu soo bixin, waxyaalaha ay kawada hadlayeen ee ay ka mid ahayd, dhaqaalaha, Caawimooyinka, iyo Khayraadka sii loo qaybsan lahaa iyo Arimaha Hawaddu, waxay u baahan yihiin hab dawli ah in loo maamulo, oo waxa wax lawad maamuli karaa markii wax lagu heshiiyo, dhuxushii iyo dabkii halkiisii ayuu yaalaa, arinkaasina natiijooyin dambe oo foolxun ayaa ka dhalan doono haddii aan wax laga qaban”. Ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud.