Tirokoobkii Ugu Dambeeyeyee Maanta Laga Soo Saaray Xaaladda Covid19 Ee Somaliland Iyo Tirada Uu Haleelay

0
721

Hargeysa, June 16, 2020 -(Foore)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Tirokoobyadii ugu dambeeyey ee Xaaladda Cudurka COVID19 ee Somaliland iyaga oo xaqiijiyay in tiradii ugu dambaysay ee cudurkaasi Somaliland soo rito ay dhan tahay 15 qof.

Xog baahinta maalinlaha ah ee ay soo saarto Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo mar dhawayd la soo saaray ayaa waxa ay u dhignayd sidan:

“Somaliland ayaa Shaacisay in Shan iyo Toban qof (15) laga helay xanuunka #Covid_19, dhamaantood waa reer Somaliland. Bukaanadan 10 qof waa rag, 5 qofna waa dumar.

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 8 qof , Burco 6 qof iyo Gabiley oo ah 1 qof.
Waxaa xanuunka ka bogsaday 7 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Boqol iyo Sadex iyo Toban qof. (113)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here