Wararkii Ugu Dambeeyey Shirkii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Lagu Kala Kacay, Ubucda Qodobka Shirka Kala Tuuray, Iyo Dooddii Somaliland La Gole Tagtay

0
756

Jabuuti, June 15, 2020- (CE)- Shirkii wufuudda ay kala hogaaminayeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ee shalay uga furmay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa gabi ahaanba fashilmay oo lagu kala kacay wax natiijo ah oo ka soo baxdayna aanay jirin iyada oo la rajaynayo in ay wufuudda labada dhinac saacadaha soo socda hordhacoodu dib ugu noqdaan dalalkoodii.

Wareeggii koowaad ee Khudbaduhu markii ay dhammaadeen ee la diyaarinayay wareegyada wada hadalka ayaa waxa dhacday in Waftigii xukuumadda Somaliland ka socday ay mawqif cad ka is taageen ajandaha shirku ku soconayo ee masiiriga ah, gaar ahaan qodobo ku jiray khudbadda uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay furitaanka shirka oo uu ku sheegay in loo baahan yahay inta aan wax kaleba la isla gaadhin in dawladda Federaalka Soomaaliya fuliso dhammaanba qodobadii hore loogu heshiiyey shirarkii Turkiga, London iyo Imaaraadka kuwaasi oo aanay waxba ka hir galin, illaa arrimahaasi ay daacad ka noqdaan oo fuliyaan, sidoo kalena la gudo galo qodobada rasmiga ah ee wada hadallada oo uu ka mid yahay aqoonsiga Somaliland ayaa keentay in waftiga Soomaaliya ay dib uga maagaan shirka, xaaladdii shirkuna sidaasi mugdi ku gashay.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhayay Markii la soo xidhay khudbadaha furitaanka shirku waxa ay noo xaqiijiyeen in halkaasi la isla dhaafi waayay oo lagu heshiin waayay qodobada Ajandaha ee shirku ku sii socon karo kadib markii Waftiga dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay tahli waayeen in ay ka badheedhaan go’aan cusub oo ay ka qaataan xujada culus ee Somaliland soo ban digtay, sidaana ku keeni waayeen xal uu shirku ku sii socdo oo ay kaga Jawaabaan doodad Madaxweyne Muuse Biixi bedka soo dhigay.

Inkasta oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaare Aby Axmed ay isugu dayeen in aanu shirku fashilmin, iyaga oo adeegsanaya wufuuddii Midawga Yurub, Maraykanka iyo IGAD haddana ma ay suurto galin wax cadaadis ahna labada dhinac ee shirka loo qabtay kuma ay saarain, taasi oo keentay in shirka gabi ahaanba sidaasi loogu kala kaco.

Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jaha-wareer ku yimid kadib markii ay qaadan kari waayeen go’aan uu shirku ku sii socon karo oo ay muddo badan bannaanka iskula maqnaayeen taasi oo keentay ugu dambayn in ay sheegaan in aanay wax garashiiyo ah ka hayn doodda Somaliland keentay.

Markii shirka lagu kala dareeray waxa la gudo galay shir doceedyo loogu kala dab qaaday dhinacyada wufuudda Somaliland iyo Somaaliya, taasoo keentay in warmurtiyeed yar oo weyd ah ay dawladda Jabuuti ugu dambayn shirka ka soo saartay.

War Murtiyeedka Dawladda Jabuuti oo uu ay ku saxeexan tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi, kuna qornaa luuqadda Ingiriisida waxa ku cad in aan wax qodobo ah oo la taaban karo ka soo bixin shirka, waxaana uu muujinayaa in labada madaxweyne aanay sii joogi doonin Jabuuti wixii maanta ka dambeeya.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay isla garteen in la aas-aaso guddi farsamo oo ka kooban xubnaha wufuudda labada dhinac, si ay usii wadaan wada-hadallada. Kulamada guddigan ayaa la isku raacan inay ka dhacaan Jabuuti.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in wada-hadallada labada dhinac lagu sii ambaqaado arrimaha taagan ee labada dhinac ay horey isugu raaceen. Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sidoo kale isla gartay inaan la siyaasadayn kaalmada horumarinta iyo maal-gelinta. Qodobkan ayaa u muuqda mid Somaliland guul ka gaadhay, maadaama hore dowladda Soomaaliya u joojisay deeqdii Somaliland kadib markii ay qasabtay in iyada loo soo mariyo. “Waxaa muhiim ah in danaha labada shacab ay xuddun u noqdaan hanaanka,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka, oo ku booriyey ururada gobolka iyo kuwa caalamka inay taageeraan hannaankan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu ka jeediyey furitaanka shirka Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti waxa uu ku dalbaday in caalamku aqoonsado Somaliland. Muuse Biixi ayaa hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay muddo sannado ah usoo dhabar adaygayay in mar uun ay beesha caalamka iyo Afrikaba ay garawsadaan “horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday Somaliland.”

Waxa uu sheegay in Somaliland ay in badan ay u dheg taagaysay inay maqasho waxa ay shacbiga Somaliland ka mudan yihiin dunida kale, xaqana ay u leeyihiin oo ah aqoonsi buuxa, muddo badanna ay sugaysay madal sidan oo kale u furan oo ay garteeda iyo xuquuqdeeda ku sheegato.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay ku caano maashay dimuqraaddiyad buuxda, hannaan dawladdnimo, daahfurnaan iyo nabad iyo xasillooni ay ku naaloonayeen shacabkeedaa wixii ka dambeeyey dib ula soo noqoshada gobanimadii hallowday lixdankii oo ay haatan dib ula soo noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sanno.

Isku soo wada duuboo shirkaasi ayaa u muuqda mid Somaliland hal tallaabo ay ka xaqiijisay oo ah in ay dunida tustay sida ay dawladda Soomaaliya ugu fashilantay in ay fuliyaan qodobadii hore loogu heshiiyay, sidoo kale in aan la siyaasadayn deeqaha beesha caalamku siiyaan Somaliland oo u baahnaan doonta in deeq bixiyayaashu ay dib u eegaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here