Hargeysa (Foore)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu si wayn usoo dhawaynayaa guusha siyaasadeed ee ay Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL kasoo hoysay shirkii Jabuuti ku dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federalka Somalia.
Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa guusha ay weftiga JSL ka soo hoyeen shirkaasi inuu ahaa mid Madaxda Somaliland muujisay diyaar garaw siyaasadeed iyo qorshe cad oo ay Madaxdii dawladdaha kale ugu bandhigtay doodeeda siyaasadeed ee ah inay tahay dal madax banaan oo xaq u leh Madax banaanidiisa.
Warka ka soo baxay shirkaasi waxa uu ahaa mid Warbaahinta Somaliland soo dhawaynayso isla markaanna shacbiga reer Somaliland gaadhsiisay war ka farxiyey shacabka Somaliland guddo iyo dibedba, maadaama ay u dhag taagayeen Wadahadalkaasi.
Ururka SOLJA, waxa uu warbaahinta Somaliland ku bogaadinayaa sida ay u baahiyeen warkaasi iyo sida ay uga qayb qaateen inay ka hor tagaan cid kasta oo doonaysay inay ka baahiyaan warar been abuur ah nuxurka qoddobaddii ka soo baxay shirkaasi oo ahaa mid ay Somaliland ku gaadhay Yoolkeeda.
SOLJA, waxay ugu baaqaysaa warbaahinta Somaliland inay xoojiso soo bandhigida wararka xaqiiqada ah ee ay Somaliland ku doonayso go’aankii shacabka Somaliland ku gaadheen 1991-kii shirkii Burco ee dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland.
Hay’addaha Warbaahinta iyo wariyayaasha kala duwan ee Reer Somalilnad waxa uu ururka SOLJA ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan dabinada iyo borobogaandooyinka khaldan ee lagu wiiqayo JSL, maadaama shirka Jabuuti ay ka soo baxday in la isku bahaystay cadaawadda loo hayo Qaranka Somaliland.
Ugu danbayn, Ururka SOLJA waxa ay Xukuumadda Somaliland ugu baaqaysaa inay taageerto qorshayaasha socda ee lagu horumarinayo Saxaafadda Somaliland, taasoo dhabada u jeexi doonta inay warbaahinta Somaliland noqoto mid Aqoon ahaan iyo xirfad ahaan ba dhisan, maadaama loo baahan yahay inay hormood ka noqoto Horumarka iyo Ictiraaf raadinta Somaliland.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA