10ka xiddig ee ugu qanisan ciyaarta musaaricada ee WWE ayaa shaaca laga qaaday, mana ahan lama filaan in liiska uu ugu sareeyo Dwayne ‘The Rock’ Johnson.
Ninka ugu caansan ciyaarta musaaricada The Rock ayaa isku bedelay aktar caan ka ah Hollywood isagoo sameeyay lacag aad u badan.
Hantida The Rock waxaa lagu sheegay inay gaareyso 240 milyan ginni isagoo ku najaxay filimaanta Jumanji, Baywatch iyo Moana.
Waxaa soo martay fursad ay jeclaan lahaayeen xiddigaha kale ee ciyaarta musaaricda.
Laakiin yaa kale oo ku jira liiska taajiriinta WWE? Wargeyska The Sun ayaa dhawaan shaaciyay 10ka xiddig ee ugu qanisan taariikhda WWE.
10. Mick Foley – £11.6 million

9. Chris Jericho – £13.9 million

8. Big Show – £15.5 million

7. Brock Lesnar – £19 million

6. Kurt Angle – £19 million

5. Hulk Hogan – £20 million

4. Triple H – £31.3 million

3. ‘Stone Cold’ Steve Austin – £35.2 million

2. John Cena – £43 million

1. Dwayne ‘The Rock’ Johnson – £240 million

Dabcan lama filaan ma ahan in labada nin ee ugu hantida badan xiddigaha WWE inay yihiin labo nin oo isku bedelay aktaro caan ka ah Hollywood.