Jabuuti, June 15, 2020- (Foore)- Hees uu Telefishanka dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ee loo yaqaano RTD dul saaray muuqaalladii laga sameeyey soo dhawayntii Wufuudda Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qayb galayay shirka wada hadallada ayaa waxa ay dhalisay doodo iyo falan qayn badan oo baraha Bulshada ku kulanto qabsaday saacadihii la soo dhaafay.
Heestan oo ka mid ahayd heesihii Kooxda Fanka ee Deegaan oo reer Jabuuti ahi ka qaadeen shirweynihii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee sannadkii 2000 ka qabsoomay Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa waxa markii muuqaallada shirka shalay RTD saareen, waxa ka xumaaday shacabka Somaliland oo saluugay ereyada nuxur ahaan ay heestaasi xambaarsanayd ee Soomaali weynta ah oo ay u arkayeen mid aan muuqaalladii xalay la baahiyay ku habboonayn.
Midhaha Heeskan oo ah mid Jabuuti ku muujinayso sida ay ula dhacsan tahay midnimada Soomaaliya, sida ay uga shaqaysay in ay dawlad u dhisto iyo arrimo kale ayaa waxa ay ahayd hees wakhtigaasi laga qaaday shirkii Carta balse aanay dadka reer Somaliland marnaba jeclaysan.
Haddaba Halkan kaga bogo Midhaha Heestan doodda dhalisay:
“Saaka Iyo Illaa Sagaashan Iyo Kowdii
Hadba Waxaad Ku Sugan Tahay
Waan Kula Socdaa Waan Kula Socdaa
Marna Kaama Seexan Kaama Seexan
Soomaali Weyneey
Subaxii La Toosiyo Sannaddii La Joogaba
Nabad Baan Kuu Sahamiyaa
Salaaddaan Tukado Saacaddaan Ducaystaba
Saatir Baan Kuu Baryaa
Maantana Sidoo Kale Salaan Iyo
Su’aal Iyo Habboon Iyo
Waxaan Kuu Sidaa Wali
Taladii Sokeeyee Hoo
Marka Xiga Sareediyo
Soddonkii Qur’aankiyo
Waa Sooryo Iyo Deeq
Saaxiib Ku Jecel Iyo
Walaaluhu Ku Siiyee
Soomaaliyeey Hoo
Saddexaadna Waaniyo
Saxansaxo Udgooniyo
Seermaweydada Ka Hillaacday Samadiyo
Saadaashu Waa Guul ..Saadaashu Waa Guul”