Hargeysa, June 15, 2020- (Foore)- Prof Cabdi Ismaaciil Samater oo ka haddlay wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya ee Axadii shalay ka furmay dalka Jabuuti,ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi iyo weftigiisu aanay wadan wax-qorshe ah, balse Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisu ay wataan qorshe ah in Madaxweyne Biixi ay ku maamuusaan xilalka ugu sareeya Somaliya.
Prof Cabdi Ismaaciil Samater oo la haddlayey BBC-da ayaa sheegay in aanay waxa natiijo ah laga filayn inay ka soo baxdo wadda xaajood-yadaas,waxaanu haddalkiisa ku bilaabay siddan:“ Waxaan Is leeyahay Dowlada Xamar ka talisaa wakhtigeedii waa geba-gebo,tan kalena kama sii foga oo daciif ayey tahay,waxa lagaga wadda haddli doonaa oo ay u eegtahay Magaalada Muqdisho Dowlada ka talisaa waxay iyadu maskaxdeeda ku jirta in Ninka Muuse Biixi la dhaho ee madax-da Hargeysa ka ah in lagu maamuuso mansabad sarre la siiyo Dowlada isagu uu soo dhiso qaarkood sidda ay ka haddlayaan, lakiin’se waxay ku khaladan yihiin waxa weyeen xurgufta ka taagan Somaliland ma oga.”Ayuu yidhi
Cabdi Ismaacii Samater oo haddalkiisa siiwata ayaa sheegay in aan weftiga Somaliland wax qorshaha la tegin madasha shirka “Qolooyinka ka imanaya Hargeysa waxa weeyaan yaan la innagu eeddayn idinka ayaa wax diiday, lakiin’se u malayn maayo wax qancin doona dadka reer Somaliland iyo koonfurta Somaaliya inay keeni doonaa.”ayuu yidhi
Dhanka kalena Prof Cabdi Ismaciil Samater, ayaa sheegay in aanu filayn inay shirkaas ay ka soo baxdo natiijo ka farxisa Hargeysa iyo Muqdisho“Waxaan kuwii hore kasoo bixin ayaa kasoo bixi karra,haddii xataa ay wax ku heshiyaan wanaag ah oo in Hargeysa la geeyaa waa in Xamar la geeyaa ilayn Baarlamaano ayaa jira labada meelood-bee,baarlamaanadaas ma ogolaan doonaa ma diidi doonaan, ileyn labada qof waxay doonayaa ma samayn karaan,waxay keeni karaan rayi laga yaabo inuu dadka qanciyo ama uu san qancin,markaa isma lihi labada meelood talada taala Xamar iyo Hargeysa talada taala illaahay ka sokow uma malaynayo inay keenayaa wax lagu haqab beelood labada meelood-ba,”
Ugu Dambeyn Prof Cabdi Ismaciil Samater, ayaa xusay inay Dowlada Jabuuti ay keliya u heelan tahay mid-nimada Somaaliya “Lakiin waxa mihiim ah in Dowlada Jabuutina fursad la siiyo in badan ayey Somaali u dedaashay oo Carta waa tii keentay,markii qalaasuhu bilaabmay1991kii waa tii iskugu yeedhay dadka Somaaliyeed,markaa maasuulkaa ay bixinayso inay qadariyaan oo wax dadka Somaaliyeed qanciya labadan qoloba ayaan rajaynaa inay kasoo baxaan, Somaalida ayey u talaa ka socoda Hargeysa iyo Muqdisho inay qadariyaan walaalaha Jabuuti waxay Dowlada Somaliyeed ay la doonayaan ee ah inay Somaaliya midow-do in Xaq lagu midoobo,Xaraantii hore in laga baxo dunuubtii la galay in laga toobad keeno.”ayuu yidhi Macallin Cabdi Ismaaciil Samatar.