Jabuuti, June 15, 2020- (Foore)- Safaaradda Waddanka Maraykanky jy keeyahay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shirkii shalay waddankaasi uga furmay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ku xidhiidhisay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee dalka Jabuuti ka qabsoomay sannadkii 2000 ee uu qaban qaabadiisa lahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaasi oo uu isugu keenay wakhtigaasi qabqablayaashii dalkaasi Soomaaliya.
Qoraal kooban oo ay shalay safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti ay ku baahiyeen bartooda ay ku leeyihiin mareegta xidhiidhka Bulshada ee Twitter waxa ay ku sheegeen in kadib Muddo 20 sannadood ah shirkii Carta, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti shir taariikhi ah dib u heshiisiin ku yagleelayo taasi oo wax weyn ka qaadan karta sida ay hadalka u dhigeen barwaaqo iyo xasilooni laga abuuri geyiga geeska Afrika oo ay ula jeedaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Qoraalka safaaradda ayaa u dhignaa sidan: “20 sano kadib shirkii Carta, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle maanta waxa uu qabanayaa shir kale oo taariikhi ah oo lagu horumarinayo dib u heshiisiinta iyo barwaaqada geeska afrika. Waxaan ku faraxsanahay dadaalkiisa. Is dhexgalka gobolka wuxuu sare u qaadayaa wanaaga dhammaan dadka ku nool Bariga Afrika”.
Markii haddaba qoraalkaasi baraha Bulshada lagu faafiyay waxa ay dadka reer Somaliland in badan oo ka mid ahi kaga fal celiyeen dareen taban iyo in ay ka xun yihiin in Maraykanku shirkan ku xidhiidhiyo shirkii Carta oo gabi ahaanba aanay melena isaga mid ahayn dhinac kasta oo laga eego balse ay nasiib darro ku tilmaameen in Maraykanku shirka shalay ku tilmaamo mid kale oo ka mid ah wada hadalladaasi Soomaalida ama dib u heshiisiintaasi.