Degdeg: Warbaahinta Itoobiya Oo Shirkii Shalay Ku Tilmaantay Mid Dhex Maray Laba Waddan Oo Ku Yaalla Geeska Afrika Iyo Abiy Oo Ku Laabtay Addis Ababa

0
765

Abbis Ababa, June 15, 2020- (Foore/FBC)- Ra’iisal wasaaraha waddanka Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa saaka dalkiisa dib ugu laabtay isaga oo ka soo kicitimay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu shalay kaga qayb galay shirkii wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha waddanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Warbaahinta Itoobiya oo saaka ka war bixisay safarka Ra’iisal Wasaaruhu Addis Ababa dib ugu laabtay ayaa wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku tilmaantay mid dhex maray laba waddan oo ku yaalla Geeska Afrika sida ay qoraalka u dhigeen.

Wakaaladda Wararka ee Fana Broaccasting Corporate (FBC) ayaa waxa ay warbixinteeda ku tidhi sidan: “Ra’iisal Wasaare Dr Abiy Axmed waxa uu dalka ku soo gabagabeeyey booqashadiisii ​​uu ku joogay Jamhuuriyadda Jabuuti halkaas oo uu kaga qaybqaatey dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland.

Dib-u-heshiisiinta u dhaxaysa labada Waddan ee Bariga Afrika oo uu marti galiyay Ismaaciil Cumar Geelle shalay ayaa ah sii wadista wada hadaladii uu ku fududeeyey Raiisal Wasaare Dr. Abiy Axmed halkan Addis ababa bishii February, 2020.

Marka laga soo tago Dr. Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland, Mussa Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa ka qeyb qaatay wada hadallada labada dal.

Ra’iisul wasaaraha ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in munaasabaddu ay ahayd mid muujineysa muhiimadda wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta horumarka qaranka iyo gobolka.

Halkan Ka Akhri Warbixinta:

PM Dr. Abiy Ahmed returns home concluding visit to Djibouti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here