Djibouti (Foore)- Waftigii ballaadhnaa ee uu Hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Madaaarka Caalmaiga ah ee Magaalada Jabuuti, Jamhuuriyadda Jabuuti.
Waftiga Madaxweynaha waxa diyaaradda hoosteeda Borotakool heer sare ah ku soo dhaweeyey Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, waxaana sidoo kale salaam sharaf siiyay ciidamada gaarka ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti isaga oo loo goglay qadiifad (roog) cas si la mid ah isla sidda loo soo dhaweeyey Ra’iisal Wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed iyo waftigiisa oo wakhti kooban kala dambeeyeen soona wada gaadheen Jamhuuriyadda Jabuuti.
Sawirrada degdegga ah ee laga soo tabinayo Madaarka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa muujinaya Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo xidhan maaskaraha af-daboolka ah oo salaan ishaaro ah siinaya Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti iyo saraakiisha soo dhawaynta u qaabilsan Borotakoolka Madaxtooyada Jabuuti.
Madaxweynaha oo ku safray diyaaradda Air Djibouti waxa markii dambe loo galbiyay qolka nasashada ee Madaarka Jabuuti oo ay daqiiqado kooban ku nasteen kadibna uga sii gudbeen Huteelka uu ka qabsoomayo shirka la filayo in ay saacadaha soo socda foodda isku daraan labada wafti ee ka kala socda Somaliland iyo Somalia.
Waa Wareeg kale oo ka mid ah wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya balse aad mooddo in uu ka miisaan roon yahay kuwii hore kaaasi oo maanta dalkaasi Jabuuti uga furmaya labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya waxaana markii ugu horraysa shir ay Somaliland iyo Soomaaliya isku soo hor fadhiistaan goob hal mar kasoo wada muuqan doona Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo ah dalalka ay jaarka yihiin dhinacyada shirka isugu imanaya ee Soomaalida.
Sawirrada Soo Dhaweynta Waftiga Madaxweynaha Somaliland: