Djibouti (Foorenews)- Ra’iisal Wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed iyo Wafti uu Hogaaminayo oo ka soo kicitimay Magaalada Addis Ababa ayaa mar dhawayd ka degay MADAARKA caalamiga ah ee Magaalada Jabuuti, Jamhuuriyadda Jabuuti waxaana halkaasi ku qaabilay Ra’iisal Wasaaraha waddanka Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.
Abiy Axmed, Ra’iisal Wasaaraha waddanka Itoobiya oo ku xidhan afgashiga Maaskaraha ayaa Diyaaradda ka soo dagay waxaana Madaarka salaan ku siiyay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti isaga oo uu halkasi ku soo dhaweeyey Ra’iisal Wasaaraha waddanka Jabuuti Abuubakar Kaamil Maxamed.
Labada Masuul ahaan is gacan qaadin oo salaan gacan taag ah ishaaro ahaan isku siiyay iyaga oo xidhan maaskaro taasi oo muujinaysa raacitaanka tilmaamaha bahda caafimaadka wakhti dunidu la tacaalayso xanuunka COVID19.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa ujeedada safarkiisu tahay sidii uu uga qayb gali lahaa kulanka ay maanta foodda isku dari doonaan labada wafti ee culus ee ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya ee ay kala hogaaminayaan Madaxweynayasha Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyada oo la filayo in uu kulankaasi la hogaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ah odayga isagu gogoshiisa la fadhiyo.
Wixii warar ah ee kale mar walba kala soco Shabakadda wararka ee Foore oo ah mataanka wargeyska Foore.