Iska Daawee Cuncunka Xubinka Taranka Ee Ninka Dhakhtar La’aan..! ..Xanuun Dad Badani Caado U Haystaan

0
1325

Akhristow waxa in badan dhacda in ragga qaarkii aad arkayso iyaga oo xoqaya xubintooda taranka oo surwaalka ay xidhan yihiin isku qabanaya. Dad badan waxa ay moodaan caado iyo la qabsi aan xanuun ahayn balse culimada caafimaadku waxa ay sheegaan in arrinkaasi yahay xanuun loona baahan yahay in la iska daaweeyo.

Waa Maxay Cilladda Cuncunka Xubinta Ninku?

Cilladdan waxaa keena nooc ka mid ah jeermiska fangaska ee keena cudurka cambaarta ama cabeebka, wuxuu kaloo jeermiskani ku dhacaa kodhida sare ee madaxa, jidhka, kilkilaha, farjiga iyo ciddiyaha.

Jeermiskani wuxuu ku tarmaa lakabka sare ee maqaarka, wuxuuna ka faa’iidaystaa huurka iyo meelaha dhididka leh sida xubinta taranka, hoosta, bawdyaha salkooda joose iyo jeexa badhida.

Waa jeermis si sahlan lagu kala qaadi karo haddii la isla wadaago tuwaalka lagu masaxdo maydhiga kadib, dharka la isla gashado iyo musqulaha furan ee la isla isticmaalo ama haddii ay xaaskaagu qabto caabuqa fangaska ee cawrada gala oo ninku ka qaadi karo.

Astaamaha Lagu Garto Cudurkan:

-Cuncun siyaado ah

-Mararka qaar furuuruc ka muuqdo xubinta ninka iyo hareerihiisa.

-Maqaarka oo qolof dhacsada marka la xoqo.

-Inta cuncunku kaa hayo oo midabkeedu isbadalo illaa bowdyaha.

Sidee lagu xaqiijiyaa inuu cudurkani ku hayo?

Badanaa waraysiga iyo baadhitaanka dhakhtarka ayuu dhakhtarku ku fahmaa, laakiin waxaa lagu soo xaqiijin karaa baadhitaan fudud oo badanaa shaybaadhada laga helo kaasoo lagu baadhayo qolofta ka kacaysa meelaha aad xoqday oo la soo hoolo, kadibna lagu dhibciyo maaddo loo yaqaano “KOH”, kadibna lagu eego baadhitaanka weyneysada si loo arko jeermiska dhibka kugu haya.

Sidee Loo Daaweeyaa Xanuunkan?

Daaweyntu way sahlan tahay, waa inaad marka hore biyo iyo saabuun ku dhaqdaa xubintaada iyo hareeraheeda oo idil, kadibna aad marsatid kiriimka lagu dilo jeermiska fangaska kaasoo loo yaqaano “Antifungal Cream”, waxaa muhiim ah in kiriimkaas ay ku jirto 3-dan daawo mid ka mid ah: Terbinafine ama Miconazole ama Clotrimazole.

Kiriimkam ama dhiiqaddan waxay ka mid yihiin daawooyinka la iibsan karo warqad dhakhtar la’aan, waxayna leeyihiin magacyo aad u badan, laakiin in daawooyinkaas kore mid ka mid ah uu ku jiro iska eeg.

Waa muhiim in aanad joojin isticmaalka daawadan markuu cuncunku kaa joogsado, laakiin waa inaad dhamaysataa laba usbuuc illaa jeermisku uu ka dhimanayo (ogow waa muhiim), haddii intaa ka yar isticmaashid wuu soo laaban karaa xanuunkani, haddii intaa kadib cuncunku ku sii hayo, fadlan la xidhiidh dhakhtarka cudurrada maqaarka una sheeg dhiiqada aad soo isticmaashay.

Sidoo kale dadka cilladan qabaa waxay kaloo isku arkaan in isla fangaska uu kaga dhacay faraha cagta dhexdooda taasoo iyadana cuncun ku hayso, haddii aad taasina leedahay waa inaad isla daawadaan ku daawaysaa.

Sidee Looga Hortagaa Xanuunkan?

-Dharka lagu jimicsado ama lagu dhidido ha qaadan dhowr jeer oo isku xigxiga.

-Dacas la’aan ha galin musqulaha la wada isticmaalo iyo meelaha lagu qubeysto marka dabaasha laga soo baxo.

-Qof hala wadaagin Tuwaal iyo marooyinka lagu masaxdo jidhka ama timaha.

-Haddii aad xaas tahay, iska hubi in lamaanahaagu aanu qabin caabuqa fangaska ee xubnaha taranka.

Xanuunnada Lagu Qaldo Cilladan:

Waxaa Ugu Caansan Isnidaamiska Iyo Candhada oo ah xanuuno lagu qaldo xanuunkan.

Sidee Lagu Gudbiyaa is-nadaamiska cudurkan lagu qaldo?

Is-nadaamiska waxaa badanaa loogu gudbiyaa kuwa kale iyadoo la isku dhowaado qofka qaba, sida marka gacanta la qabto. Badanaa waxaa isqaadsiiyaa qoyska. Carruurta wada cayaaraysa badanaa waa is qaadsiiyaan. Isnadaamisku kama yimaado nadaafad xumo. Isnadaamisku kuma noolaado meel ka baxsan aadanaha sidaas darteed lagama qaado kaarbatka ama gogosha.

Sidee Looga Hortagaa?

Dhamaan xubnaha qoyska iyo dadka u dhow qof qaba is-nadaamis waa in la daweeyaa, ama ha qabeen ama yaanay qabin cudurkee. Daaweynta qofka qaba cudurka iyo weliba kuwa kuu dhow ayaa ah habka ugu fiican oo lagaga hortegi karo xaalladan.

Dadka badankiisu waxaa lagu daweyn karaa kareem ama looshin la mariyo maqaarka dila ugxanta nool. Waa in dhakhtar lagala tashadaa daawada ugu fiican. Kiriimka waa in la mariyaa jidhka oo idil, iyadoo tixgelin gaara la siinayo gacmaha iyo meesha maqaarku ka laaban yahay oo u dhow xubnaha taranka. Waa in loo daayaa ilaa 24 saacadood lagana maydhaa maalinta ku xigta. Haddii gacmaha la maydho waqtigan, waa in kiriim ama looshin la mariyaa gacmaha mar labaad.

Xubnaha guriga degan oo dhan waa in isku mar la daweeyaa. Sarriiraha lagu seexdo habeenka daaweynta iyo dharka la qaatay maalmihii ugu dambeeyey waa in la maydhaa. Waxaa ku filan in lagu dilo ugxanta iyo kiimikada daawada wax lagu dhaqo si ay u disho Jeermiska. Badanaa waxaa la soo jeediyey in daaweynta mar labaad lagu celiyo.

Mar daawada la isticmaalo, furuuraca cuncunka lihi wuxuu qaataa 2 ilaa 3 usbuuc inuu dhamaado. Dakhtarka waxaa laga yaabaa inuu kuu qoro kiriimka loo yaqaan cortisone si loogu kantaroollo cuncunka iyo xanuunka maqaarka taas oo ugu dhacda qofka isnamadaamiska dartii. Carruurtu waxay tagi karaan dugsiga maalinta daaweynta maalinta ku xigta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here