Qaar ka mid ah lamaanayaasha, waxaa suuragal ah in ay dareemayaan in aanay is rabin ama ay kala go’een dareen ahaan, arrintaas oo culeys wayn ku noqota xidhiidhkooda ka hor intaan furriinka la gaadhin, sida ay sheegayaan khubarada daraasaddan sameeyey. Lamaanayaasha daafaha caalamka ku kala nooli waxay iska ilaaliyaan in ay ka wada hadlaan sababta aanay dareen ama rabitaan isugu qaadi karin, inkastoo dhibaatada lamaanaha kala dhexgaleysay ay sii fogaanayso. Waxaa dhici karta in arrintaas ay ka dhib badan tahay furriinka. BBC da ayaa soo heshay waxyaabaha sababa in lamaanaha iyagoo is qaba ay haddana dareen ahaan u kala fogaadaan, waxayna dhakhaatiirta waydiisay xalka.
“Dhab ahaantii, kuuma sheegi karo in weli aan xaaskeyga is qabno ama inaan kala tagnay,” ayuu yidhi Kamaal. Waa nin deggan Magaalada London, ahna la taliye arrimaha isgaadhsiinta ah, waxay xaaskiisa Thuraya is qabeen muddo 20 sano ah, waxayna isu dhaleen laba wiil. Nin 46 sano jir ah oo arrimaha siyaasadda ka faallooda, baraha bulshadana ku leh boqollaal qof oo ku xidhan, gaar ahaan Facebook, ayaa ka hadlay xidhiidhka uu xaaskiisa la leeyahay. Wuxuu sheegay in xidhiidhkoodu uu hoos u dhacay. “Wuxuu ahaa jaceyl uu dareen xoog leh ku dheehan yahay, haddana wuxuu noqday mid is xushmeyn oo keli ah ku kooban, sida laba qof oo meel iskala shaqeysa”. “Waxay arrintaasi billaabatay markii uu dhashay wiilkayaga curadka ahi. Waxay u muuqatay in is rabitaanka iyo dareenkii isku kaaya xidhayay uu meesha ka baxay. Arrintaasna weli way taagan tahay,” ayuu yidhi. “Waxaan isku deyay in aan cudurdaar u sameeyo, markii ay go’aansatay in meel gaar ah ay seexato, xitaa bilo ka dib markii uu wiilkayagu dhashay. Waxaan odhan jiray waa isbedelka hoormoonada ama dareen niyadeed oo ka dhashay foosha. “Waxaan la tashaday dhakhaatiir, gaar ahaan markii aan arkay in xaaladdu ay sii xumaanayso. Markii uu dhashay wiilkayagii labaad, waxay noqotay qof aan rabin in wax dareen ah ama rabitaan galmo ah uu na dhex maro.”
Kamaal wuxuu xusuustay xitaa mar ay weydiisatay “in uu joojiyo u dhaqanka sida qof qaangaadh ah” markii uu damcay in uu kala hadlo jaceylka ama romaantigga uu u baahan yahay. “Markii aan isku deyay inaan u dhowaado, waxay igu tidhi waxaad u baahan tahay in aad u dhaqanto sida aabo oo kale hadda,” ayuu hadalka ku daray. “Thuraya waxay la tahay in ay tahay xaas wanaagsan maadaama ay si wanaagsan u daryeesho carruurteeda, guriga iyo xitaa muuqaalka qoyskeeda. Waxay haysaa shaqo aad u wanaagsan hooyo ahaan iyo shaqada gurigaba – Laakiin intaas ayey ku koobtay hawsheeda.”
Jahawareerka Kamaal ayaa si degdeg ah u sii xoogeystay. Wuxuu dareemay in aan loo baahnayn, wuxuuna billaabay dib u gurasho. Wuxuu iska galay qolkiisa, wuxuuna halkaas kula mashquulay boqollaalka qof ee facebook-giisa ku taxan. Waxaa dadkaas ka mid ahaa dumar la dhacsanaa fikradihiisa iyo hadalkiisa. Mararka qaar wuxuu Facebook dhigi jiray isagoo qalabka muusikada garaacanaya. Markii dad badan ay ku soo biireen boggiisa, “wuxuu ka helay kalsoonidiisa in dib ay u soo noqoto”. Markii aragtida iyo like-ta ay bateen, wuxuu isla markiiba dib u helay “jaceyl iyo xidhiidhkiisa galmo in uu sare u kacay”, sida uu sheegay Kamal. “Waxaa igu adkaatay in aan iska daayo shukaansiga gabdhaha yaryar ee quruxda badan. Waxayna ahayd xilli aan aad u niyad jabsanaa guurkayaguna uu sii dhimanayay.”
Kamal wuxuu hubaa in xaaladdan aanay keligii ku koobnayn: “Dadku siday doonaan ayey ii arki karaan, laakiin keligay ima haysato arrintan. Waxaa jira dad badan oo ila mid ah – Badankoodana waan garanayaa.” Wuxuu yeeshay laba nolol oo kala ah “aabo iyo sey wanaagsan”, bannaankana wuxuu ku yeeshay “jaceyl kale” oo xilliyada dhammaadka isbuuca uu la kulmo. Hadii uu cudur daar u yeeli lahaa xaaladda, Kamaal waxay u wanaagsaneyn in “si shaac ah uu uga hadlo xaaladda uu xaaskiisa kala kulmayay”, sida uu qabo Xamid al-Hashimi oo ku taqasusay Cilmiga Bulshada. Akhriste xaaladda hore waa laga sinnaan raga dadka dunida balse sharci ahaan dadka islaamka ah uma bannaana in ay xidhiidh aan sharci ahayn sameeyaan qormadanina waxa ay dhiirri gelinaysaa in lamaanuhu boodhka ka jafo xidhiidhkiisa balse aanu samayn gogol dhaaf.