Sheeko jaceyl oo culus ayaa waxaa laga soo tabinayaa gobolka waqooyi ee waddanka Nigeria ee Kano, halkaas oo laba nin oo kala duwan ay wada guursadeen hal gabadh. Arrinta muranka badan dhalisay ayaa waxaa sal u ah 32-jirka lagu magacaabo Xaawo Cali Mariri, taas oo haatan halis ugu jirta in la ciqaabo haddii lagu helo dambiga ah inay marin habaabisay labada nin. Kano waa mid ka mid ah dhowr gobol oo Nigeria ah oo Shareecada Islaamka lagu dhaqo ama qaanuunka Islaamka, halkaas oo ay dambi tahay in haweenaydu ay guursato in ka badan hal nin. Xaaladdu waxa ay sii xumaatay markii Bello Ibraahim, oo 40-jir ah, ahna ninkii koobaad ee Mariri, uu gurigiisa dib ugu soo laabtay kaddibna uu arkay nin kale oo sariirtiisa ku jiifa. Ibraahim aad ayuu u xanuunsaday waxa uuna u safray tuuladiisa si halkaas loogu soo daweeyo halkaas oo uu ku soo qaatay laba sanadood.
Waxa uu Mariri ku eedeeyay in intii uu maqnaa ay guursatay isagoo aanan arrintaas waxba ka ogayn. “Waxa uu yidhi waan ku furay ka hor inta aanu magaaladiisa u safrin. Taasna waa sababta aan Bala u guursaday, waxaan dareemay inaan ahay haweeney xor ah kaddib markii uu I furay,” ayey tidhi. Ibraahim arrintaas waa uu diiday, isagoo sheegay in uusan weligii furin welina uu u arko inay xaaskiisa tahay. Waxa ay isguursadeen 17 sanadood ka hor oo waxa ay isu dhaleen lix carruur ah. “Weligay ma aanan furin. Haddii ay taas ku adkaysato aaway caddaynteeda, aaway warqadda aan u qoray?” Inta badan furriinka waqooyiga Nigeria ayaa badanaa lagu fuliyaa cod ama warqad la qoray. Ibraahim oo aad u niyadjabay ayaa arrinta waxa uu geeyay booliska Shareecada ee gobolkaasi halkaas oo sheekadan jaceylka ee aan caadiga ahayn haatan la baadhayo iyadoo su’aalo la waydiiyay dhammaan saddexda qofba. Bala Cabdisalaam, oo ah 35 jir, waa ninka labaad ee sheekadan , waxa uu sheegay in Mariri ay u sheegtay in ninkeedii uu furay oo ay isguursan karaan. Waxa uu sheegay inuu u diray 20,000 naira – lacagta Nigeria – oo u dhiganta ($50), taas oo ay ku jirto yaradkii haweenaydaas. “Magaalada ayaan ka baxay markaan lacagta u soo dirayay, markaan Kano ku soo laabtay, xaaskeyga ayeyba aheyd,” ayuu BBCda u sheegay.
Waxaa kale oo uu khatar ugu jiraa in la ciqaabo, haddii maxkamadda shareecada ay ku hesho in uu kaxeystay xaaska nin kale. Xidhiidhka labada sano soo jiray ayaa waxaa uu Alle ku mannaystay hal ilmo, haatanna waxaa xaamilo. Mariri waxaa ay ka tagtay gurigeeda, waxaana halkaas ay uga dhaqaaqday lix caruur ah iyo Ibraahim, halka Balal na ay booliska u sheegeen in aanu ka bixi karin gobolka Kano, maadaama ay ku hawllan yihiin baadhitaanka arrintan. Gwani Murtala, oo ah taliye ka tirsan booliska halkaas ayaa BBC-da u sheegay in kiiskan uu yahay mid aanay hore u arag.