Hargeysa, June 11, 2020 (Foore)- Siyaasi Cali Guray, ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta iyo war-baahinta Somaliland ay buun-buuninayeen xiisadda ka taagan dalka Jabuuti,taas oo uu ku sheegay inay tahay mid ay kaga baxsanayaa xaqiiqda ka jirta guddaha Somaliland isaga oo sheegay in ay xaaladda Somaliland tahay mid liidata oo iyadiiba dumaysa.
Siyaasi Cali Maxamed Yusuf “Cali guray” oo wareysi gaar oo dhinac-yo badan taabanaya siiyey Telefishanka Horyaaltv, ayaa ku eeddeeyey Madaxweyne Biixi iyo labada shir guddoonka ee gollayaasha Wakiiladda iyo guurtida kuwa doorasho diid ah oo hortaagan inay dalkan ka dhacdo doorashadda Wakiiladda iyo deegaanka,waxaana kamid ahaa haddalkiisii “Qadiyad yar oo inan la xidhay oo Jabuuti ah inay siyaasiyiintii iyo war-baahinta Somaliland buun-buuniyaan oo ay ku wareeraan waxay kaga baxsanayaan xaqiiqda ka jirta Somaliland .” Ayuu yidhi
Dhanka kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo u gurmanaya Jabuuti ama tallo siinaya Madaxweyne Geelle uu uga baahan yahay gurmadkaas dalkiisa Somaliland halka talladana uu uga baahan yahay Madaxweyne Muuse Biixi “Waar tan ayaa gurmad u baahan oo dumaysay ninka Somaliland ee gurmanayoow ee tallo hayow Somaliland ayaa kaaga baahan,ninka ka talinaya Jabuutiyow tan ayaa tallo kaaga baahan,maxaad tallada wanaagsan inooga siinaysaa Ismaaciil Cumar Geelle haddii aad tallo haysaan, Muuse Biixigan ayaa u baahan.”Ayuu yidhi
Cali Guray ayaa ku eeddeeyey Madaxweyne Biixi, Baashe iyo Saleebaan Gaal qaar doorasho diid ah, isla markaana la hadhay Somaliland “Halkaa waxa dhigtay Somliland nimanka doorasho diidka ah waa labada shir guddoon iyo Madaxweynaha.” Ayuu yidhi Cali Guray