Hargeysa (Foore)- Warbixintii Maalinlaha ahayd ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ka bixin jirtay xaaladda Cudurka Karoona Fayras ayay mar kale maanta oo Salaasa ah shaaca ka qaadeen waxaanay sheegeen in tiradii ugu dambaysay ee cudurkan laga helo maanta Somaliland ay dhan tahay 17 qof.
Warbixinta uu saaka shaaciyay Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xergeeye ayaa waxa uu yidhi: “Baadhitaanka 24-kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 74 qof. Todaba iyo toban qof (17) ayaa laga helay xanuunka, 17 kuba waa Somalilander. Bukaanadan 10 qof waa rag, 7 qofna waa dumar. Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 8 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(100jir ilaa 109jir = 1 qof)
Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 10 qof iyo Burco oo ah 7 qof
Waxaa xanuunka ka bogsaday 7 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideetan (80)
Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da’diisuna ahayd 104 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland Lix iyo Labatan (26).