Jabuuti, June 8, 2020- (Foore)- Taliyihii guud ee Ciidamada Asluubta waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti Kornayl Maxamed Jaamac Yoonis ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle xilka ka xayuubiyay isaga oo dhinaca kalena isla markiiba loo dhaadhiciyay xabsiga oo sidaa lagu xidhay.
Wararkii ugu dambeeyey ee aannu ka helayno xaaladda Waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxa ay sheegayaan in Taliye Kornayl Maxamed Jaamac Yoonis oo ahaa Taliyihii ciidamada Asluubta ee dalkaasi xabsiga la dhigay iyada oo aanay xukuumaddu war faahfaahsan oo rasmi ah ka soo saarin xadhiga iyo xil ka qaadista taliyaha balse loo badinayo in xil ka qaadistiisa iyo xadhigiisu ay dabada ku hayso xaaladda Labada Xiddidle Fu’aad Yuusuf Cali oo ahaa Duuliyihiin dhawaan xukuumaddu qabatay ee muuqaalka isaga soo duubay goobta suuliga ah.
Ilo wareedyo u dhuun daloola xadhiga Kornayl Maxamed Jaamac Yoonis ayaa Wargeyska Foore u sheegay in xadhigiisu ku xidhiidhsan yahay baadhitaano socda oo xukuumaddu ku waddo ciddii moobilka Gacanta xabsiga ugu dhex gaysay Laba Xiddigle Fu’aad Yuusuf Cali kaasi oo isaga oo xabsiga Gabood ku jira ay u suurto gashay in uu helo taleefan kuwa gacanta ah oo uu muuqaal maqal iyo sawirro ahba isaga soo qaaday duruufaha ku gedaaman isaga oo sidoo kale farriin ugu gudbiyay shacabka Jabuuti iyo Caalamkaba.
Xadhiga Duuliyaha reer Jabuuti ee dhawaan xabsiga muuqaalka isaga soo duubay ayaa keenay cadho xoog leh oo shacabka Jabuuti ka muujiyeen arrinkiisa taasi oo dhalisay in mudaharaadyo dhawr ahi ka dhacaan Magaalooyinka Jabuuti iyo Cali Sabiix oo ay dadku isugu soo baxeen kuna muujinayeen sida ay u codsanayaan in loo soo daayo Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali.
Waa Kuma Laba Xiddigle Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali?
Fu’aad Yuusuf Cali waxa uu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Waxa uu wax ka bartay Jaamacadda Jabuuti.
Duuliyahan u xidhan dowladda Jabuuti waxa uu leeyahay toddoba carruur ah oo kala ah 5 wiil iyo 2 gabdhood. Ciidammada Dalka Jabuuti waxa uu ku biiray sannadkii 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa. Sannadkii 2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada Cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig. Sannadkii 2014 waxaa loo diray waddanka Koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad ah oo dhinaca Duuliyanimada ah. Laba sano ayuu ku maqnaa. Sannadkii 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay. Bishii March 27-keedi ee sannadkan 2020 ayuu dhinaca itoobiya u goostay isaga oo sheegay in uu ka baxsanayo dulmi badan oo lagu hayo isaga shacabkiisa. Magangalyo ayuu bishii April weydiistay waddanka Itoobiya balse waddanka Itoobiya waxa ay 15-kii Bishii April dib ugu soo celiyeen oo ku wareejiyeen Sirdoonka waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo Madaarka Addis Ababa ka soo qaaday. Muuqaalka uu sarkaalkani iska soo duubay ayaa waxa ay mar kali ah qarxisay xaaladda dalka oo mudaharaad ku muujiyay.