“Suxufiyiintu Waxa Ay Dhib Ku Qabaan Inay Xog Ka Helaan Helitaanka Wararka La Xidhiidha Dhulka Muranku Ka Taagan Yahay Ee Galbeedka Hargeysa Iyo Boorama” ..Guddoomiyaha Suxufiyiinta Somaliland

0
899

Hargeysa, June 8, 2020- (Foore)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa Madaxweynaha Somaliland waxa uu ugu baaqay in uu dhegaysto baaqyada iyo cabashooyinka shacabka Somaliland ay qabaan si uu wax uga qabto baylahaha is biirsaday ee u baahan in dadka laga gufeeyo si wax loogu qabto isaga oo dhinaca kale Guddoomiyuhu aad u dhaliilay qaabka uu yahay xidhiidhka dadweynaha iyo Madaxweynuhu oo uu sheegay in muddadii uu talada dalka joogay uu meesha ka baxay xafiiskii xidhiidhka dadweynaha iyo Madaxtooyadu taasoo keentay in Madaxweynaha oo ah xubinta ugu sarraysa xukuumadda iyo shacabku kala go’aan oo aanay wax xidhiidh ah lahayn umadda iyo Madaxtooyadu.

Guddoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac waxa uu sidoo kale dhaliilay qaabka xukuumaddu ula tamaacusho kiisaska dhulka ee ay Suxufiyiinta Somaliland doonaan in ay xog Bulshada uga keenaan taasi oo dhib badani ka qabsato loona diido isaga oo tusaale u soo qaatay dhulka Galbeedka Hargeysa ee muranku ka taagnaa iyo dhulka Boorama ee isna dhibaatadu ka taagan tahay, kuwaasi oo loo xidhay dhawr wariye.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo shalay hadal dheer ka jeediyay kulan tababar ah oo Ururka SOLJA soo qaban qaabiyay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa: “Hargeysa dhacdooyinkii ugu badnaa ee laga warinayay waxa ay ahaayeen dhul, Muran dhul oo ah Galbeedka Hargeysa oo Suxufiyiintu kala kulmayeen in laga hor istaago xog rasmi ah in ay ka soo gudbiyaan muranka dhulkaasi ka taagan. Wallow ay Warbaahintu soo gudbinaysay haddana codadka iyo doodaha dhinacyadaasi dhulka isku haysta haddana waxa aad u badnaa in Suxufiyiinta Somaliland aanay sidii rasmiga ahayd u soo ban dhigin iyada oo Booliis badan marka ay halkaa hawlgallo ka jiraan la dhigi jiray lagana xidhi jiray in ay saxaafaddu u soo dhawaato eeriyadaasi”.

“Sidoo kalena Boorama kiiskaasi ka dhacay waxa uu ahaa muran dhul oo wariyahaasi laba jeer loo xidhay illaa haddana uu u xidhan yahay. Waxaannu xukuumadda ugu baaqaynaa in kiisaskaasi dhulka ee saamaynteeda leh wax laga qabto suxufiyiintana loo ogolaado in ay ka soo warramaan marka ay hawlgalladu jiraan. Marka ay ka warramaanna aan loo qabsan iyada oo aan loo marin sifo sharci ah”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) waxa uu yidhi:“Waxa culays weyni ka taagan xidhiidhkii dadweynaha iyo xukuumadda oo u muuqda in aanu jirinba haba yaraatee. Inta jirtaana waxa ay ku dhalataa hab gole ka fuul ah. Amase aan ahayn mid muuqata. Culaysyada iyo cabashooyinka dadweynuhu waxa ay in badan ka dhalanayaan in aanu jirin haylkalkii iyo nidaamkii dawladda iyo dadweynuhu ay isaga war hayn lahaayeen. Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Madaxtooyada waxaannu ognahay in labadii sano iyo badhkii imika in uu ka maqan yahay xafiiskii xidhiidhka dadweynaha ee u dhaxayn lahaa xukuumadda iyo dadweynaha. Dadweynuhu waxa ay la’yihiin meel ay codkooda gaadhsiiyaan. Waxa aad mooddaa in xukuumaddu ka dhago la’dahay baaqyada umadda ee meel walba ka socda. Sida baraha Bulshada ee loogu gudbinayo farriimaha. Dadkii iyo xukuumaddii gaab baa u dhaxeeya oo jira. Waxa loo baahan yahay in xukuumaddu weelayso baaqyadaasi umadda uga imanaya oo waliba haddii ay jiri lahaayeen xafiisyo iyo hay’ado xukuumadda ka saacida arrimahaasi waxa iman lahayd in xukuumadda waxa laga aaminsan yahay in wax kale ay soo bixi lahaayeen. Waxa ay goysay hay’adihii jiray ee gaabkaasi u buuxin lahaa oo ay SOLJA kow ka tahay inaanay fursad u helin ay xukuumadda iyo Madaxweynaha ugu gudbiyaan. Waxa ay wax ka tari lahayd xogta aanu hayno ee Madaxweynaha ay noqon lahayd in uu wax ka qabto”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOLJA.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here