Somaliland: Xaaladda Cudurka Koroona Oo Meel Halis Ah Maraya, Wariyayaal, Shaqaale Dawladeed Iyo Dad Badan Oo U Soo Dhacay

0
646

Hargeysa, June 8, 2020- (Foore)- Xaaladda Cudurka Karoona Fayras ee Somaliland ayaa maalinba maalinta ka dambaysa u muuqda mid sii kordhaya dad badanina u soo dhacayaan wakhti is dhex galka iyo wacyi la’aanta Bulshada ee cudurkani sidii hore iyo si ka sii daran tahay oo aanay haba yaraatee dadku wax is baddal ah ka samayn dhinacaasi iyada oo saacadihii la soo dhaafay dad badani sheeganayaan in uu xanuunkaasi haleelay, kuwaasi oo isugu jira dad shacab ah, Masuuliyiin dawladeed, Wariyayaal iyo shaqaale dawladeed.

Iyada oo ay sii socoto warbixinnaha maalinlaha ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku sida joogto ah u soo bandhigto tirada dadka uu cudurkani haleelayaana aanay is baddal lahayn maalin ay kordhaan iyo maalin ay hoos u yar dhacaanba ayaa haddana waxa hubaal ah in tiradaasi walaac weyn ku abuurtay guud ahaanba shacabka Somaliland oo u arka mid aad uga yar inta ay dadku qabaan maadaama baadhitaannadu aanay ku filnayn dadka u soo dhacaya, dad badanina aanay is baadhinba oo ay is qariyaan.

Shalay ayay ahayd markii ay soo baxeen xogo cusub oo sheegaya in wariyayaal hor leh iyo shaqaale dawladeed oo gaar ahaan wasaaradda Isgaadhsiinta ah la xaqiijiyay in cudurkani soo ritay ayaa xaaladda cudurku waxa ay noqonaysaa mid la gaadhay wakhtigii ay shacabka Somaliland si rasmi ah khatartiisa ugu baraarugi lahaayeen iyada oo aad mooddo in maalmihii ugu dambeeyey dadkuba muuqdaan kuwo xataa walaacii hore ay uga qabeen hoos u sii dhacayso marka aad eegto is dhex galka iyo wacyi la’aanta xaaladdan.

Inkasta oo farriimaha wacyigalineed ee dawladda iyo Ururrada Bulshadu socdaan haddana waxa muuqata in aanay taasi gabi ahaanba waxba ka baddalin aragtida dadka ee cudurkan, kuwaasi oo ku kooban in ay ka werweraan uun marka ay maqlaan tirada dadka uu haleelay ee la shaaciyo maalin walba taa baddalkeedana ay iska sii wataan hab nololeedkoodii iyo hab dhaqankoodii marka hore ay ku jireen.

Majaalista lagu qayilo, Maqaaxiyaha laga qaxweeyo, Huteellada cuntada, Goobaha dadku u nafis tagaan sida bannaanada, gaadiidka dadweynaha, suuqyada iyo wixii la mid ah ayaan mar kali ah dadku iska dhimin, sida koronkortana u wada joogaan oo ay sidii iyo si ka badan u wada qaadanayaan nolosha, iyaga oo ay tiro aad u yar aad arkayso in ay xidhan yihiin maaskarada afka iyo sanka lagu daboolo iyo gacmo gashiga, Goloofiska loo yaqaano.

Isku soo duuboo xaaladda xanuunka Karoona Fayras ee Somaliland ayaa u muuqata mid halistiisu taagan tahay waxaana shacab iyo xukuumadba la gudboon in ay fadhiga ka kacaan oo xaaladdan adag si rasmi ah u wajahaan inta aanay sida dalal badan oo is diidsiin jiray xaaladdu faraha uga bixin. “Waxa la soo gaadhay wakhtigii umaddu sheekada iyo hadal hayntiisa oo kali ah ka bixi lahayd ee ay si ficil ah u wajihi dhibaatada taagan ee cudurkan. Waxa inala gudboon in aan qirano khatarta innagu hareeraysan, si aan ugu dadaalno wax ka qabashadiisa oo aynaan caadi ugu arag” sidan waxa yidhi Dr. Axmed Xasan oo ka mid ah culimada caafimaadka ee Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here