“Reer Jabuutiyow Wuu Dhammaaday Wakhtigii Digtaytarnimadu, Cadaadis Adag Ummad Laguma Dhiqi Karo, Halkuu Ku Dambeeyey Siyaad Barre”..Faysal Cali Waraabe

0
851

Hargeysa, June 8, 2020- (Foore)-  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa tallooyin ujeediyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,waxaanu tusaale u soo qaatay halkii ay ku dambeeyeen Kelitaliyayaashii Siyaad Barre, Cabdi illey iyo cidhib xumadda uu ku dambeeyo digtaytarkastaa.

Guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe oo war-baahinta kula haddlay shalay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn Hambalyo u diray Baarlamaanka Dowlada Fadaraalka Somaliya, kuwaas oo ku amaanay qaabkii ay ugu soo horjeesteen Madaxweyne Farmaajo , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay siddan:“ Horta Baarlamaankii Muqdisha waan tahniyadaynayaa maanta siday ninkii iskaga celiyeen wey iska celiyeen waxay tuseen inay iyagu dalka ay leeyihiin wey ku fooryeen, markaa waxaan leeyahay gacan ayaan idiin taagay waanan idinku tahniyadaynayaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Dhanka kalene Guddoomiya Faysal Cali Waraabe, ayaa tallooyin nasteex ah ujeediyey Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,isagoo sheegay inuu dhammaaday wakhtigii Hoggaamiyayaasha Digtaytarada ahaa, isla markaana wuxuu ugu baaqay inuu baabiiyo Jeelka lagu Magacaabo Gabood iyo in xabsiga laga soo daayo Duuliye Fu’aad iyo weliba inuu Caddaalad ku dhaqo ummadda reer Jabuuti.”Jabuuti waxaan leeyahay Madaxweynaha Caddaalad samee wakhtigii Digtaytarnimadu wey dhammaatay, annigu maalintii uu lahaa mar afraad ayaan ordayaa doorashadda waxaan idhi orad waxaanad afraad ka shaqaysaa si dadkaa aad ugu daadejin lahayd Khayraadka oo dadka oo dhan uu gaadhi lahaa Khayraadka Jabuuti, lakiin gacan maroojis iyo caddaadis hore ayaa looga maah-maahay oo la yidhi Nin wuxuu Walaal ku dhaammo la waa ,Maxamed Siyaad Barre ayeynu soo marnay ina illey ayeynu soo marnay , waxaan leenahay Digtaytar ma soconayo,aakhiradaada ka shaqee waa la is weydiinayaa aakhiro, siddee ayaad u xukuntay ayaa lagu odhanayaa , markaa illaahay ka baq ayaanu leenahay Fu’aad-na soo daaya oo xuquuqdiisana soo siiya ninka duuliyaha ah, jeelkana inaga ha-gaajiya, jeel hore ayaa naanays la baxay oo la yidhi jeel Ogadeene, yaan kana la odhanin isna waa jeel Ciise ee innaga hagaaji ayaan leeyahay jeelkana.”Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Faysal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here