Burco, June 8, 2020- (Foore)- Madaxwayne marka aan dhagaystay wareysigaaga oo in badan u badnaa is difaacii lagugu yaqaanay kamaad garaabin hab dhaqanada anshaxa iyo shuruucda dalka ka baxsan ee ciidamadu dadka u soo qabtaan , kamaad garaabin in cadaalada wax ka xun yihiin oo waxa aad ku adkaysatay halagu kalsoonaado garsoorka , kamaad garaabin gaabiska siyaasada arimaha dibada ee xukuumadaada iyo ta gudahaba. Xukuumadaadu waxa ay joogtaa laba sanadood iyo badh waxqabad iyo horumar waxii lagaa waydiiyey iyo Somaliland halka ay marayso waxa aad ku soo koobtay guryuhu bilaa jiingadbay ahaayeen maantana fooqyada quruxda waad yaabtaa !
Xukuumadaadu in aanay la iman hal barnaamij hor u marineed ah waxa cadeyn u ah waxa aad ku faantay barnaamijyadii horumarka ee xukuumadii kaa horeysay ee ay ka mid ahaayeen dekeda iyo wadooyinka , iyada oo ay wareysigaaga ku dhex jirtay hadal u dhignaa xukuumad is-dhexyaac in ay ahayd , waana marka aad leedahay anagu markii aanu meesha nimid waxa aanu kala saarnay dhaqankii, culimadii , dawladii , ganacsatadii, haweenkii iyo dhalinyaradii.
Madaxwayne umadaada lamaad wadaagin waxa ay xukuumadaadu roobka Alle keenay swt ay uga faaiideysay dadkeeda , markii su’aasha lagaa weydiiyeyna waxa aad tidhi waa markii ugu horeysay ee ay xukuumadu dalagii soo go’ay dadka ka iibsanayso.
Madaxwayne anaga oo ixtiraam kuu hayna oo aad tahay madaxwaynehayagii qaranka jamhuuriyada Somaliland , su’aalihii lagaa weydiiyey siyaasada arimaha dibada in aanay xukuumadaadu waxba soo kordhin waxa aad kaga baxday Somalia ayaa nala dagaalamaysa oo aqoonsigii iyo awoodii ay caalamka ka heshay Somaliland u adeegsatay gudaheegana soo farogalinaysa , wax waa ka jiraan laakiin jawaab na qancinaysa maaha .
Arinkaasi wax waa ka jiraan oo anigaa shaqsiyan hore wax uga qorey in wadahadaladii aynu la furnay Somalia in ay ku meelgaadhkii ka saareen oo ay fursad u heleen in ay noqdaan dawlad soomaalia oo caalamku aqoonsan yahay oo haysata aqoonsigii iyo awoodihii dawladnimo ee xaga sharciyada (Legitimacy) ee jamhuuriyadii Somalia taasi oo keentay in safaaradihii iyo xafiisyadii ururada caalamiga ah iyo urur goboleedadu in ay muqdisho isugu tagaan.
Wareysigaaga lagumana weydiin adna kamaad hadal doorashooyinkii dalka ee la is weydiinayo halka ay ku dambeeyeen , oo ay ku laalan tahay xuquuqdii siyaasadeed ee muwaadiniin badan oo somalilanders ah , tii ururada siyaasada iyo tii xildhibaanada goleyaasha deegaanada, wakiilada iyo Guurtida.
Waxa aad sheegtay madaxwayne in aad adiga iyo kooxdaadu hadh iyo habeen umada daacadnimo ugu shaqeysaan , waa wanaag ee maxaa Somaliland dedaalka intaa leeg ee aad ku jirtaan looga dareemi waayey, waxa aad moodaaba in dalku meel istaagay marka aad dhinacwalba eegto e ?
Ugu dambayn madaxwayne hadiiba Alle umadan hogaan kaaga dhigay, isla markaana aanay jirin cid madaxwayne nimadaada diidani aad sheegaysona in Somaliland ay dagaalo siyaasadeed ku socdaan maxaa kaa hortaagan in aad dadkaaga isugu yeedho oo aad tidhaahdo maxaynu yeelnaa?
Qalinka: Maxamed Dhimbiil