Hargeysa, June 4, 2020 (Foore) – Cudurka Safmarka ah ee COVID19 ayaa waxa uu Marayaa Somaliland meel halis ah iyada oo maalinta maalinta ka dambaysa tirada uu soo ridanayaa aanay hoos u dhacayn dad bandanna sidoo kale laga qabsi qabo in ay is qarinayaan oo aanay la xidhiidhin baadhitaanka wasaaradda Caafimaadka taasi oo dadka xaaladda cudurka la socdaa ku sheegaan mid halis weyn ku ah dalka iyo dadka.
Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa haddaba warbixinteedii maalinlaha aheyd ku sheegtay inay Shalay soo kordheen 18-kiis oo hor leh, kuwaasi oo kamid ahaa 80-qof oo laga baadhay cudurkaasi 24 kii saac ee ugu dambeeyey.
Dadka cusub ee cudurkaasi laga helay ayaa 15-qof oo kamid ah waxay ku noolyihiin magaalada Hargeysa, halka ay 3-ruux ee kale ay ku sugan yihiin magaalada Boorama ee Caasimadda Gobolka Awdal.
Wasaaradda ayaa si cad u sheegtay in dadkaasi cusub ee laga helay cudurkaasi ay ku jiraan xaalad karantiil ah oo lagu hayo goobaha wasaaraddu ugu talo gashay in lagu hayo dadka uu soo rito cudurkaasi.
18-ka ruux ee maanta laga helay cudurkaasi, ayaa lagu kala sheegay inay 10-qof yihiin Rag, halka ay 6-ruux ee kale ay yihiin Dumar.
Tirada guud ee cudurka Coronavirus ee gudaha Somaliland ayaa gaadhay 376-kiis, halka ay ka bogsadeen cudurkaasi 54-ruux, iyada oo cudurkaasi ay u geeriyoodeen 22-qof, inta la ogyahay.